Xisbiga WADDANI Oo Ka Digay In Xadhigga Musharraxiinta Ee Xukuumaddu Uu Carqalad Ku Keeno Doorashada

0
418

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in xadhigga Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka ahi ay carqalad ku noqon karto doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Shalay khudbad ka jeediyey Munaasibad ka dhacday Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in waxyaabaha doorashada Carqaladda ku keeni kara ay ka mid yihiin Xadhigga Xukuumaddu kula kacayso Musharraxiinta iyo Odayaasha iyo Waxgaradka.

Guddoomiye Cirro oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxyaabaha doorashada xumayn kara waxa ka mid ah Xadhigga Musharraxiinta, waxa ka mid ah xadhigga cuqaasha iyo Odayaasha Musharraxiinta wada, waxa Maanta (Shalay) ugu dambeeyay Sheekh Jamaal oo ka mid ah Taageerayaasha ugu waaweyn Xisbiga, waxaanu leenahay Xadhiggaasi waa Sharci-darro, waa Xad-gudub.”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu ku baaqay “Waxaanu ku baaqaynaa in dhammaan Dadka xidhan, cuqaal ha noqdaan, Odayaal ha noqdaan ama Musharraxiin ha noqdaane in sida ugu dhakhsaha badan Xorriyaddooda loogu soo celiyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu ka digaynaa in laga fogaado wixii kale ee doorashada carqaladayn kara..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office