Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Siyaasadeed Iyo Waxa U Qorshaysan Marka Uu Xilka Ka Dego

0
515

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay waxa u qorshaysan marka uu dhamaysto muddo-xileedkiisa Dastuurka.

Madaxweyne ku-xigeenka oo u warramay Wakaaladda Wararka Dawladda Somaliland ee SOLNA, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay dariiqa uu u soo maray Madaxweyne ku-xigeennimada oo uu hadda fadhiyo Teeramkiisii labaad, waxaanu sheegay inuu Samir halkaa ku soo gaadhay.

Saylici ugu horrayn wuxuu ka hadlay doorashada isku sidkan ee loo qorsheeyay inay dalka ka dhacdo 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan 2021, waxaanu yidhi “Waxaanu rejaynaynaa in doorashooyinka isku sidkani ay noqdaan Tallaabo hore loo qaaday, taasi oo haddana hadhow keeni karta in saddex doorasho la is raaciyo, Waayo? dimuqraadiyadduba waa Tijaabooyin, innaguna tijaabooyinkii ayaynu Maalinba badh ka gudbaynaa, markaa Xukuumadda uu Madaxda ka yahay Muuse Biixi Cabdi waxay go’aan ku gaadhay in aanay doorashado dhaafin sannadkan 2021, kharashkana 80% ayay dusha ku qaadatay (Xukuumaddu)…”

Cabdiraxmaan-Saylici waxa kale oo uu ka hadlay jidka dheer ee uu u soo maray xilka Madaxweyne ku-xigeenka “Waa Samir badan oo aan sameeyay ama Ururkii aan la bilaabay 2002-dii inaan ku samray oo duruuf kasta oo igu soo martay oo aan Xisbinimada adkeeyay, taasi markaa waxay keentay in Madaxdii xisbiga hoggaaminaysay ii aragtay Nin Xisbiyahan ah oo hawshiisa ku adag, taasi ayaa ii sahashay Lix sanadood ka dib in la igu qanco in la ii doorto Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka bishii 8-aad, 2008-dii, waxaana la igu doortay Burco.”ayuu yidh, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay waxa u qorshaysan marka uu dhamaysto xilka Madaxweyne ku-xigeenka, maaddaama oo uu xilligan ay tahay teeramkiisii labaad “Haddii Wakhtigu ii saamaxo inaan ku sii jiro (Siyaasadda) waan ku sii jiri, waxa la yidhi Maalinba Salaadda la joogo ayaa la tukadaaye, haddii wakhtigu ii saamixi waayo waxaan mari doonaa Xeerkii ay mareen Madaxweyneyaashii iga horreeyay.”