Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalku Marayo, Shacabkana Farriin U Diray

0
444
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa(Geeska) – Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, oo ka mid ah Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, Doorashooyinka dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, kana digay wax kasta oo fidno keenaya.

Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka qabsoomay ee kala ah Doorashooyinka Madaxtooyada, Deegaanka iyo Wakiilada, si fiican bay inoogu dhaceen, Doorashooyinka sannadkan inoo dhacaya ee bisha shannaad dhammaadka aynu filayno inay inoo dhacaan, waxaan ku rejo weyn nahay inay inoo noqdaan Doorashooyin inoogu dhaca si xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay”.

Mar uu ka digayey in la abuuro fidno ayuu yidhi “Rasuulku SCW, wuxuu inooga digay fidno, qof kasta oo fidno abuurana wixii ka dhasha fidnadaas isaga ayaa ku dambi qaba, fidnaduna waxay fursad siisaa Shaydaanka, ee ha laga digtoonada, wanaagga, islaaxa, khayrka iyo samaha ha lagu dedaalo, oo aynu mar kasta ku dedaalno islaaxa, bishii Ramadaana foodda ayey inagu soo haysaa ee ALLE khayrkeeda iyo ajarkeeda ha ina gaadhsiiyo”.

Dhinaca kale, Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, ayaa Bulshada reer Somaliland uga baaqay inay aad uga taxadiraan xanuunka Koronaha.

 

Geeska.net/Hargeisa Office