Xisbiga Wadani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Is Casisho, Kuna Eedeeyay Inay Ku Fashilantay Hoggaamintii Loo Dooratay

1
547

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa xukuumada ugu baaqay inay is casisho maadaama oo ay ku guul daraysatay fulinta hawlahii loo doortay,isaga oo xukuumada iyo wasiirka duulistaba ku dhaliilay in dhismahii madaarka aanay ku guulaysan, isla markaasna ay lunsadeen hantidii loogu talo galay.

Waxa uu xisbiga wadani ugu baaqay xukuumada in aanay shirkadaha caalamiga ah ka hor istaagin madaarka Berbera, maadaama oo ay ku fashilantay dhismaha madaarkii labada sano socday dhaqaalaha badan ee mucaawinada ahna lagu bixiyay. Sida oo kale waxa uu xisbigu ku dhaliilay xukuumada in mar kaliyaata ay iska laalaabatay shirkadii shidaalka baadhaysay iyaga oo soo jeediyay talooyin arintaas la xidhiidha.

Eng.Cabdirashiid Maxamuud Cali oo ka tirsan gudida arrimaha dibada ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI  oo  arrimahaas ka hadlayaana waxaa uu yidhi “In diyaaradihii caalamiga ahaa iman waayaan garoonkii diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxay cadaynaysaa in dhismihii garoonka laga waday muddada labada sanno ahi fashilmay, hantidii loogu talogalayna la lunsaday, waxaanu leenahay wasaarada duulista iyo hawadu waa ay ku guuldaraysatay adeegii ay bulshada u haysay oo waa taa maanta dhibaatadu  haysato dadkii socdaalka ahaa ee saddexda cisho ku xanibanyihiin Hargeysa, isla markaana wasaaradda duulistu u diiday diyaaradihi inay fadhiistaan garoomada kale ee dalka si ay u dambabasaan fashilaada ku timid dhismihii garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. mar haday xukuumaddu ku fashilanay hawlihii umaddu u dooratay waa inay is casishaa.”

Gudoomiyaha gudida arrimaha dibada Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayaa isagu dhankiisa xukuumada ku dhaliilay in shirkadii shidaalka baadhaysay ay mar kaliyaata dalka ka laalaabato, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Argagaxbey runtii umadda ku noqotey iyada oo aan wax wara lahaynin lana ogayn wax dhibaata ah oo jirey in mar qudha layidhaahdo shirkadii Genel Energy ee gobalada bari shidaalka ka baadhaysay, dadka gobaladaas joogayna ay wacyi galin balaadhan u diyaariyeen in hadana mar qudha uun la maqlo shirkadaasi way ka baxday oo alaabteedii waa ay guratey,xukuumaduna ilaa hada arrintaa wax ay kaga jawaabtey lama hayo,waana inay shacbiga u soo bandhigtaa sababta keentey bixitaanka shirkaddan shidaalka baadhaysay. waxaanu ka xunahay kana tacsiyadeynaynaa dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaad iyo saamigu ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka shaqaynayey, xukuumaddana waxaanu u soo jeedinaynaa inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah.”

Weedhan ka soo yeedhay xisbiga Wadani, waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay shirkadii Genel Energy ee shidaalka baadhaysay dalka ka baxday iyo Ethiopia Airlines oo duulimaadyadeedii joojisay.

Comments are closed.