Dhallinyaro Gadoodsan Oo Weeraray Kooxo Faneed Bandhig Ku Qabanaysay Magaalada Burco

0
650

 

Picture2Burco(Geeska)-Bandhig faneed ay koox fanaaniin ahi soo abaabushay oo ay qorsheeyeen inuu ku qabsoomo magaalada Burco, ayaa faashil ku dhammaaday.

Kooxo dhallinyaro ah oo gadoodsan ayaa weerar ku qaaday fanaaniinta iyo baabuurkii ay wateen, markii ay isku dayeen inay gudaha u galaan Hoteelka Cigal oo uu bandhig faneedku ku qabsoomi lahaa, waxaana ay dhaawacyso soo gaadheen qaar ka mid ah fanaaniintii oo loo gaystay jugo iyo hadidaado kale. Sidoo kalena waxa gebi ahaanba muraayadaha laga burburiyay baabuurkii ay wateen. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay gadoodka dhallinyarada, laakiin culimada magaalada Burco ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn uga soo horjeestay bandhig faneedkaas oo ay tilmaameen inuu sababi doono dambiyo culus. Baabuur kale, oo ay dad shacab ahi iska leeyihiin ayaa iyaguna ka mid ah baabuurta khasaaraha la gaadhsiiyay.

Dhallinyarada fanaaniinta ah ee laga horistaagay inay qabtaan bandhig faneedka oo ka tagay Hargeysa, ayaa kala ah Axmed-weli Furinle iyo xaaskiisa Asma, Mursal Muuse iyo xaaskiisa Khadra Sinimoo, Maxamed Cirro, Xamda, Maxamed BK iyo Xasan Dhuxul.