Xisbiga UMP Oo Si Weyn Ugu guulaystay Doorashadoo Baarlamaanka Dalka Djibouti

0
700

 

Djibouti(Geeska)-Natiijada hordhaca ah ee doorashada Baarlamaanka dalka Djibouti, ayaa waxaa si weyn ugu guulaystay xisbiga talada haya ee UMP ee uu hogaamiyo Madaxwene Cismaaciil Cumar Geele. Waxaa lagu tartamaayay lixdan iyo shan kursi waxaa boqolkiiba siddeetan helay xisbiga UMP, halka isbahaysiga mucaaradka USN ay heleen boqolkiiba labaatan.

Natiijadan hordhaca ah oo uu subaxnimadii hore ee shalay ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Djibouti, ayaa tilmaamaysay in 49% ay codadkii laga dhiibtay magaalada caasimadda ah ay uu ku guulaystay Xisbiga talada haya ee UMP, halka isbaahaysiga mucaaradka oo ka kooban labada xisbi ee kale ay iyana caasimadda ka heleen 47% codadkii dadweynaha. Laakiin marka si guud la isugu geeyo waxa muuqanaysa in isbahaysiga aqlabiyadda ee UMP ee si weyn ugu guulaystay doorashadaas Baarlamaanka Djibouti, laakiin saraakiil u hadlay xisbiyada mucaaradka ayaa cambaareeyay natiijada doorashada.