Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Somaliya Oo La Filayo In La Masaafuriyo

0
520

 

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa khamiistii xukuntay in dalka laga masaafuriyo Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamed, oo u dhashay Somaliland, balse ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, oo ay dhawaan ciidamada ammaanku ka qabteen magaalada Gabiley, waxaana la filayaa in maanta la masaafuriyo.

Maxkamadda ayaa waxa ay xukuntay in Mr. Jaamac, lagu ganaaxo hal milyan oo lacagta Somaliland ah iyo in 48 saacadood gudahood dalka lagaga masaafuriyo, loona masaafuriyo magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Mr. Jaamac, ayaa la sheegay inuu diiday inuu ka tanaasulo fikirkiisa Somaliweyn ee uu kaga soo horjeedo aayo ka tashiga shacabkiisa Somaliland, waxaana dhawaan laga qabtay magaalada Gabiley.

Dad badan ayaa aaminsan in xukunada lagu rido dadka lagu soo eedeeyo inay la fal-galeen siyaasadaha Somaliya ay yihiin kuwo khafiif ah, marka loo eego dambiga ay galeen oo uu nuxurkiisu noqonayo khiyaamo qaran, waxaana la ogyahay in hayadaha sharci dejintu go’aamo dabar ah hore uga soo saareen dadka lagu eedeeyo siyaasadaha Somaliya.