Xisbiga UCID Oo Soo Dhaweeyay Taageerayaal Cusub Oo Ku Soo Biiray

0
663

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa waxa shalay ku biiray  masuuliyiin iyo qaar ka mid ah ururadii Umadda,Dalsan iyo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Xisbiga Ucid ayaa soo dhawayn diiran u sameeyay masuulyiintan ku soo biiray oo u badnaa urur siyaasadeedkii Umadda hoggaankiisii. Waxaana soo dhawayntan u muujiyay hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Ucid oo aan u kala hadhin.

Ugu horayntii xoghayaha maaliyada ee xisbiga Ucid Faadumo Siciid, oo soo dhawaynaysay masuulyiintan isla markaasna dhaliilo u soo jeedisay xukuumadda waxa tidhi “Waxaan aad u soo dhawaynaynaa raga aad iyo aadka u qiimaha badan ee maanta xisbiga Ucid u soo diga rogtay ee madasha inala fadhiya.maanta haydnu nahay reer Ucid dalkeenu waa uu inoo baahan yahay, si aanu awal inoogu baahnayn ayuu inoogu baahan yahay shaqo ayaa ina sugaysa, ma u diyaar nahay inaan u hiilino calankeenii iyo dalkeenii maanta, malintii xukuumadan Kulmiye  ay kaanbaynka ku jirtay waxay balan qaadeen, Somaliland waa muqadas,calanka Somaliland ee tawxiidku ku yaalaa marna dhulka uma dhacaayo, liicimaayo oo ma janjeedhsanaayo, maanta maxaynu ka aragnay? Waxaynu ka aragnay tii ugu xumayd ee laga qiiroon jiray, iyada oo aynu ogayn in uu xasuuq inagu dhacay, iyada oo aynu ogayn dadkeena oo boqol boqol laysugu xidhay, iyada oo qaarkood sida awrka inta loo soo fadhiisyiyay xataa xabadii loo quudhi wayay oo la gawracay,waxa inagu dhacay ee xanuuqa iyo isir tirtirka ahaa, maanta xukuumaddu waxay  soo saxeexday oo ay aqbashay  oo ay ku riyaaqaysaa, waxa weeye dil yar oo khafiif ah ayaa Somaliland ku dhacay oo kii Muqdisho ku dhacay oo kale ah, waxaasi ma waxaynu u dul qaadnaynaa.madaxweynaha Somaliya waxaanu leenahay hadaanu nahay shacbigii Somaliland iyo mucaaradkii Somaliland heshiiskaas laguu saxeexay waa waxba kama jiraan,mana aha mid aanu aqbalno.”

Musharax  Jamaal Cali Xuseen oo isaguna masuulyiintan iyo taageerayaashan soo dhawaynaayay waxa uu yidhi “Waa maalin qiimo weyn oo waxaan soo dhawaynayaa ururada Umadda,Dalsan iyo xisbiga Kulmiye xubnaha ka tirsanaa ee nagu soo biiray iyo Abwaan jaamac Riyo oo isagu kaligii ah xisbi dhan, aad ayay muhiim u tahay inaan soo dhawayno oo u dabaal degno,waxa kale oo aan u mahadnaqayaa odayaashii madasha wada tashiga oo xubno ay inagala joogaan iyo Cabdiraxmaan Cabdiqadir oo halyay ah iyo odayaasha Dan iyo Duco oo iyaguna nagala soo qaybgalay.”

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo ugu danbayntii soo afmeeray soo dhawayntaasi waxa uu yidhi “Waxaan soo dhawaynaynaa dadkan qiimaha leh ee labeenta ah ee nagu soo biiray iyo dadka xaflada ka soo qayb galay oo aan aad iyo aad ugu mahadnaqaayo,waxa la yidhi biyo meel godan ayay isugu yimaadaane dadka Ucid ayay isigu imanayaan Alle hadii uu ka dhigo,Ucid waxa uu noqon doonaa xisbiga keeni doona ictiraafka iyo horumarkaba,Ucid waa loo baahan yahay waana ka ina hogaamin doona.”

Masuuliyiinta ku soo biiray xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ee ka soo kala jeeday ururadii Umadda,Dalsan iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa si midaysan ugu dhawaaqay inay ku soo biireen xisbiga Ucid ayna la garab taagan yihiin hiil iyo hooba.