Madaxweyne-xigeenka Oo Qaabilay Dhakhaatiir Maraykan Ah Oo Dalka Yimid

0
678

Picture2Hargeysa(Geeska)-Kusimaha Madaxweynaha Somaliland, ahna Madaxweyne Kuxigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay  Xafiiskiisa ku qabaailsay dhakhaatiir ka socday Jaamacada HARVARD University ee dalka Mareykanka oo maalimihii ugu danbeeyey dalka safar shaqo ku joogay.

Dhakhaatiir ka socday Jaamacada HARVARD University ee dalka Mareykanka,gaar ahaan qeybteeda cuddurada ku dhaca maskaxda oo uu hogaaminayo Dr.David C.Henderson iyo labada dhakhtar ee la socda oo kala ah M.Claire Green, MPH iyo Esther Gabrielle Rosengarten, ayaa waxa hor-kacayey Mulkiilaha Cusbitaalka neerfaha ee Hargeysa Neurology Centre Dr.Ciise Kayd oo isaguna degen dalka Maraykanka.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu sheegay inuu si niyadsami ah ugu soo dhawaynayo Somaliland oo ah dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo ay ka fulin karaan hawl-galo caafimaad.

Md.Cabdiraxmaan Saylici waxa uu ka codsaday dhakhaatiirtan ka socday Jaamacada Harvard ee dalka Mareykanka inaanay noqonin markii ugu horeysay ee ay Somaliland yimaadaan, balse ay si joogto ah dalka u yimaadaan si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka bulshada ka heysta xanuunada maskaxda ku dhaca. “Waxa ugu weyn ee dadka dhibaatada ku hayaa waa qaadka, oo loo baahan-yahay in wax laga qabto”.   

Mulkiilaha Cusbitaalka neerfaha ee Hargeysa Neurology Centre Dr.Ciise Kayd ayaa markii uu ka soo baxay kulankii uu madaxweyne kuxigeenku la yeeshay ayaa waxa uu saxaafada war-bixin ka siiyey u-jeedada dhakhaatiirtan mareykanka ahi dalka u yimaadeen,iyo waxaanu yidhi“Waxa maanta na qaabilay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),taasi waxay muujinaysa ahmiyada ay dawladu ka leedahay iyo weliba halka ay ka taagan tahay daweynta dadka cudurada dhimirku ku dhacaan iyo tababarka dadka ka shaqeeya cudurada maskaxda ku dhaca oo aanu anagu gacan ka siin doono”.

“Waa markii ugu horeysay ee dhakhaatiirtan caalamiga ahi dalka yimaadaan, waxaanay balanqaadeen inaanay noqonin safar fudud oo ah inay dalka markan oo kaliya yimaadaan, balse inay si joogto ah u imanayaan,iyaga oo wax ka qaban doona tababarka dhakhaatiirta, baadhitaanka iyo wax alaaliyo wixii ay Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo dalku-ba ay u baahdaan,waanad mahadsan tihiin”       

Dr.David C.Henderson oo isagu hogaaminayey dhakhaatiirkan mareykanka ee ka socda Jaamacada Harvard ee dalka mareykanka ayaa waxa uga mahad-celiyey madaxweyne kuxigeenka Somaliland inuu qaabilay,“Way kala gedisan yihiin safarkayagan iyo hay’adaha kale ee waddanka yimaada,waayo annagu waxaanu doonaynaa inaanuy tababarno dhakhaatiirta Caafimaadka ee ka soo baxaysa jaamacada Hargeysa, waxaanu keeni doona dawooyinkii lagu daweynayey dadka maskaxda ka buka iyo qalabka lagu daweeyo xanuunada ku dhaca dhimirka. Waa markii ugu horeysay ee aan Somaliland nimaadno waanu ku faraxsanahay waa dalka nabada oo wanaagsan”.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cade oo isagu kulankaasi goob-joog ahaa,kadib markii kulankaasi dhamaaday isaga oo saxaafada la hadlayey,ayaa waxa uu sheegay inuu dalka Somaliland ku soo dhaweynayo dhakhaatiirtan mareykanka ee ka socda Jaamacada Harvard University “Waxaan leeyahay ku soo dhawaada Somaliland.”