Xisbiga UCID Oo Shacabka Ugu Baaqay Inaanay Bixin Lacagta Cusub Ee Ay Xukuumadu Ku Soo Rogtay Taarikada Cusub

41
4641

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid iyo qaar ka mid ah shacabka magaalada Hargeysa ayaa xukuumada ku tilmaamay inay wado lacag urursi iyada oo dalku uu ku jiro xaalad dhaqaale oo culus.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Cabdinaasir Buuni ayaa shacbiga ugu baaay in aanay bixin lacagtaas oo uu ku tilmaamay siidhka musuqa isla markaasna shacbiga dhaqaale lagaga samaynaayo, waxaanu masuulkan oo la hadlaayay tilifishanka Eryal uu yidhi “Waxa arinta taalaa ay tahay in badalkaas ay badaleen waxii intaas ka danbeeya baabuurka soo dagaaya in lanbaradaas cusub lagu xidho, qofkii isagu raba inuu badashana loo badalo laakiin arintaas hadii la yidhaahdo dhaqaale halaga sameeyo marka ugu horaysa dadka bilaydhadani lacag ayay ugu fadhiyeen, markaas arintaas musuq maasuq ayaanu u aragnaa, waxaanu u aragnaa arin aan wadadeedii marin xeer kasta oo ay fulintu curinaysana waa in ay sharci dajinta gaysaa oo ay ka xilgudataa sharcidajintu, kadibna lacag kasta oo qasnada dawlada ku dhacaysaana waa inay xeer ku waajahadaa, waxaanu ugu baaqaynaa madaxweynaha iyo xukuumadiisa  waxay xisbi ahaan noola muuqataa In si dadban loo daadiyay siidhkii musuq maasuqa, xukuumadii Kulmiye waxaanu ku naqaanay in wasiir waliba lacag jeebskiisa ah samaysto, in wasiir waliba wax waajibiyo iyada oo aan la garanayn meel ay ku dhacayso, waxaanu leenahay dadku ma aqbali karaan iyaga oo maanta sicirbarar iyo culaysyo dhaqaale ku jira in hadana la yidhaahdo lanbarkii baabuurka ayaanu badalnay ka cusubna lacag ku qaado, qofka marka hore ayay lacag ugu joogtay arin sinaba loo aqbali karo maaha arintaasi, shacabka waxaanu leenahay ha aqbalina laakiin waxii badal ah hadii khidmad yari ku waajibto dhibaato ma laha.”

Qaar ka mid ah dadka magaalada Hargeysa oo iyaguna ka hadlay dareenkooda lacaga lagu badalaayo bileedhada gaadiidka ayaa sidan yidhi“Dhalinayradan hadii la yidhaahdo lixdan lixdan doolar keena xagay ka keenayaan taarikada hadii laysku badalaayo ayaa fiicnaan lahayd  meel walbana in mashruuc laga eego maaha, hadii wax walba la yidhaahdo dawlada ayaa qabnaysa oo hadana mashruuc laga sameeyo waa qalad, waxaan aaminsanahay in xukuumadu ay u badasho dadka taarikada oo aanay lacag ku xidhin.”

Muwaadin kale ayaa isaguna aragtidiisa sidan u cabiray“taarikada in la badalaa way fiican tahay oo waa ay inagu raagtay, laakiin caqbad ayaa jirta oo marka koowaad lacagtan la qaadayaa miisaaniyadii dawlada ee baarlamaanku ansixiyay kuma jirayso, lacagta soo baxaysa oo ilaa afar milyan oo doolar ah lama sheegin meesha ay ku baxayso.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here