Madaxweynaha Oo Tacsiyadeeyey Marxuum Xaaji Ibraahim Askar

0
550

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Axmed Maxamed Siilaanyo  ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehalada iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Oday  Xaaji Ibraahim Askar Ismaaciil oo ku geeriyooday Magaalada Sheffield ee Waqooyiga England.

Dhambaalka tacsida ah oo ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland kuna saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax), oo soo gaadhay Geeska Afrika ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u  dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Oday Xaaji Ibraahin Askar Ismaaciil Sahal oo 12/04/2016 ku geeriyooday Sheffield ee Waqooyiga England.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii, waxgaradkii ka soo shaqeeyey, halkankii xornimo doonka ee 1950kii ilaa 1960 kii  waxa kale oo uu ahaa Ganacsatadii xoolaha dhoofin jirtay laga bilaabo dhamaadkii 1950-yadii ilaa horaantii 1990-naadkii, isagoo mar wada galay ganacsigii dhoofka Xoolaha iyo dabshidkii ololihii xornimo doonka, waxaanu noqday gudoomiye ku xigeenkii laantii Berbera ee xisbigii SNL ee horseeday xornimadii 26 june 1960kii, isagoo muddooyinkii danbena door muhiima ka soo qaatay dib ula soo noqoshadii qaranka Somaliland, sidoo kalena wuxuu qayb libaax ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu  ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo”.