Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In Dadka Abaaruhu Hayaan Loo Gurmado

0
541

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa ka hadlay abaaraha
iyo biyo yaraanta ka jirta Gobolo iyo Deegaano ka tirsan
Somaliland,waxaanu sheegay in gurmadkii iyo taakuladii loogu tagalay
in dadka la gaadhsiiyo in la gaadhsiin.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Eng Axmed Xirsi Ducaale oo u waramay
Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo arintan ka hadlaya ayaa
yidhi “Waxay ahayd in dadkaas dhiban ee biyo la’aantu, haraadka iyo
abaartu hayso in gurmad deg deg ah lala gaadho, bashar baynu nahay, oo
kolay basharkuna waxba ma hayaan, ee ILLAAHAY oo qudha ayaa saari kara
abaaraha, biyo la’aanta iyo haraadkaba, ee ILLAAHAY ha loo noqdo, oo
ha la baryo, dadkaas dhibaataysana in wixii la tari karo  la taro, oo
Dawlad, Ganacsato iyo Shacaba oo loo gurmado, sidii loo baahnaa ilaa
hadda waxba looma tarin dadkaas dhibaataysan ee abaaraha iyo haraadku
hayo,  ha loo hagar baxo, oo cid kastaaba wixii karaankeeda ah ha ku
caawiso, hana ugu gurmato, Xukuumaddu waajibka dadkeeda  ka saaran ha
garato si fiicana ha ugu soo baxdo, oo iyada ayaa maanta masuuliyadii
haysee sida ugu dhakhsaha badan gurmad ha ula gaadho, maxaa yeelay
waxaa muuqda in gaabis badan uu dhinaca gurmadka Xukuumaddu uu jiro”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here