“Cid Kasta Oo Hantida Umadda Lagu Ashakateeyo Maxkamad Iyo Ciqaab Mooyee Damiin Iyo Saamax Ma Leh”

0
659

Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaciil

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil oo ka mid ah
Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa
dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, gaar ahaan Madaxtooyada, waxaa
kale oo uu ka hadlay musuq-maasuqa, ilaalinta hantida umadda, ismarin
waaga Xisbiyada iyo abaaraha.

Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil oo u waramay Wargeyska Geeska
Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Afhayeenka Madaxtooyada yidhi
“Waxaan arkaayey inan la yidhi wuxuu yahay Afhayeenka Madaxweynaha,
oo muwaadiinkaas u dhashay Somaliland, ee Warshadaha aan Dawladduba
jari karin, ama cid kaleba jari karin, Wadanka ka abuuray, ee kumaan
kunka qof u shaqeeynayaan, wax ka sheegay, wuxuu Afhayeenkaasi yidhi
halkan lalama soo gali karo tuuganimo wax la xadayna halkan laguma
lunsan karo, iyo wax caynkaas u eeg, qofka haddii aan waxba lagu
caddaynin oo Maxkamaddi waxba ku caddaynin, dambi dusha lagama saari
karo, ninka Afka Madaxweynaha ku hadlayaa, waa Madaxweynihii oo
hadlaya, halkaasna ceeb baa ka dhacday, Axmed Geelle Arab, waa nin
muwaadin ah oo wanaagsan, ee wixii la sheeganayaba waxaa loo baahan
yahay in Maxkamadduhu arinka si wanaagsan u eegaan, wuxuu ku hadlaayey
Afhayeenka Madaxweynuhuna maaha wax loo dulqaadan karo, ee ninka
haddii la tuhmo waa inuu dalkiisa ku dhex helaa cadaalad, laakiin
maaha inay Madaxtooyaud dhinac ka noqoto isagoo hanti ka maqan tahay”

Mar uu ka hadlaayey musuq-maasuqa ayaa yidhi “Hantida umadda ee uu
Madaxweynuhu kow ka yahay cidda lagala xisaabtamayo, haddii ciddii uu
dirtay lagu soo eeddeeyey musuq-maasuq, waddo qudha ayey leedahay, oo
waa in markiiba xilka laga tiriyo, in markiiba la qabto, oo Maxkamadda
la hor geeyo, haddii la daayo ama la damiinto cid kasta oo musuq lagu
helo sharcigii baa lagu tuntay, Musuq-maasuqu waa dambi culus, dambiga
culus ee ciqaabta lehna damiin ma leh, cid kasta oo hantida dadweynaha
lagu ashkateeyo ciqaab, maxkamad iyo jeel mooye,damiin iyo samaaxaad
ma leh, waliba waa haddii hanti-dhawraha iyo xeel ilaaliyuhu ay soo
bandhigaan caddaymo rasmiya oo daliil u ah lunsiga hantida umadda, ee
cid gaar ah lagu eeddeeyey, xukun Maxkamadeed iyo Jeel baa la
marinayaa, haddii wax dambiya lagu waayana waa la sii daynayaa,
Sharciga ciddi kama sareeyso, Hanti-dhawrahana waxaa loo sameeyey inuu
hantida umadda daba galo, oo halka ay ku leexatay uu soo qabto, masuul
kasta oo Hanti-dhawruhu ku qabto lunsi hanti, waa in katiinad lagu
jabiyaa, oo jeelka la dhigaa, Wasiir ama Agaasime ha noqdo”.

Mar uu ka hadlaayey ismarin waaga Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiga
Waddani ee aan anigu ka tirsan nahay, ilaa Doorashadii oo sannad iyo
wax yar laga joogo, mawqifkiisu caddaan buu ahaa, wuxuu yidhi
qaranimada ayaan u tanaasulay, laakiin wuxuu yidhi Doorasho uu qabto
Komishanka maanta jooga Doorasho aanu galayno maaha, mar haddii aanu
qaranimadii u tanaasulayna waa in Komishankaas la kala diraa, waana
inuu bedelaa Komishan loo siman yahay, hana la isku tanaasulay, waxaan
se arkayaa in aanay Xukuumaddu rabin in Komishankan la kala diro, oo
uma jeedo in Komishankana la kala diro, heshiis kama dambays ahna la
gaadho”.

Mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Roobkii aynu filaynay inuu
curtu muu curan, oo muu da’in, bishan horaanteeda ayeynu filaynay inuu
da’o, balse wali muu da’in, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu deg
deg uu roob inoogu shubo, laakiin Xukuumaddihii hore waxay awoodood
iskugu keeni jireen wax ka qabashada abaaraha iyo dadka caafimaadkooda
iyo xuquuqdooda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka gaadhaya, waxbaana
loogu sii qorsheyn jiray, oo haddii aanay wali Xukuumaddani dareemin
abaaraha ka jira Gobolada iyo Degmooyinka qaar, oo kuwa kalena aanay
ku xigi doonaan haddii aanu ILLAAHAY farash khayr qaba aanu inoo
furin, oo raxmadiisa inoo shubin, waxaana muuqata in Xukuumaddu ka
gaabisay masuuliyadii ay qaaday,ee ka saarnaa umadda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here