Xisbiga UCID Oo Difaacay Musharrax Lagu Eedeeyay Inuu Sito Shahaado Been-abuur Ah

0
676

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga UCID ayaa ka hadlay Musharax Shucayb Maxamed Muuse, oo Xisbigooda ka sharaxan, oo la sheegay inuu buuxin waayey shuruudihii musharaxnimada, madaama lagu tilmaamay shahadiidasa foojari.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Musharax Shucayb Maxamed Muuse, waa Musharax ka sharaxan Xisbiga UCID, waa Musharax la siiyey Shahaadiiidii Musharaxnimo ee Xisbiga, haddii uu Shucayb shahaado been abuur ah sito, muxuu ku noqday Wasiirka Warshadaha, muxuu ku noqday Maayarka Gabiley, muxuu ku noqday Xildhibaan, sidaas darteed waxaa dhaqan laga dhigtay in Musharixiinta Xisbiga UCID la eryado, oo kolba la wanjalo, marka la ogaaday taageerayaashooda, ee Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisaba waxaan leeyahay markii uu Shucayb ahaa Wasiirka iyo Xisbiga Kulmiye maxaad u odhan weydeen ma haysto Shahaado, waxaan garan waayey sharciga ah ciddii Kulmiye ka tirsani waa libaax, haddii ay ka baxdana ha la cadaadiyo, ee Shucayb waa Xisbiga, waana Musharax, waanu tartamaya, insha allaahna wuu soo baxayaa, sharci ka hor istaagaya musharaxnimadiisana ma jirto”.

Dhinaca kale,  Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi wuxuu Bulshada uga digay halista xanuunka Covid_19, waxaanu ku baaqay in aad looga feejignaado wax kasta oo keenaya inuu xanuunkani ku fido.

 

Geeska.net/Hargeisa Office