Xisbiga KULMIYE Oo 90 Xubnood U Diyaariyay Guddiga Ololaha Doorashada Xisbiga Iyo Degmooyinka Caasimadda Qaarkood Oo Gudbiyay Xubnaha Metelaya

0
588

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga KULMIYE ayaa diyaariyay istaraatajiyada uu ku galayo ololaha uu doonayo inuu ku helo codka shacabka marka la gaadho loolanka doorashada madaxtooyada oo qorshaysan November 2017. Tirada guud ee guddiyada ololaha xisbiga KULMIYE ee doorashada madaxtooyada ayaa la isla qaatay inay noqoto 90 xubnood oo gobalada iyo degmooyinka ka kooban, waxaana la diyaariyay saami qaybsiga ay gobalada iyo magaalooyinku u kala helayaan xubnaha ka mid noqonaya guddiyada ololaha xisbiga KULMIYE, waxaana hawshan qaabilsan guddi gaar ah oo ka kooban xukuumadda iyo xisbiga.

Magaalada Hargeysa ee caasimadda waxa ay heshay 15 xubnood oo loo kala qaybiyay degmooyinka caasimadda Hargeysa. Waxaanay degmooyinka qaarkood gudbiyeen xubnaha u metelaya guddiga ololaha doorashada KULMIYE. Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay magacyada qaar ka mid ah xubnaha ay degmooyinku gudbiyeen oo ay si weyn uga dhex muuqdaan xubnaha golaha wasiiradu, waxaanay kala yihiin sidan:

Degmooynka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge (3 Xubnood)

Taageerayaasha labadan degmo ee xisbiga KULMIYE, ayaa isla qaatay saddexda xubnood ee uga qayb galaya guddiyada ololaha xisbiga, waxaanay magacaabeen saddex xubnood oo ah siyaasiyiin reer Hargeysa ah  oo caan ah, oo kala ah:

1. Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

2. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

3.  Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi (Shoodhe-bidhaan)

Gacan Libaax (2 Xubnood)

Degmada Gacan libaax, gaar ahaan New Hargeysa ayaa iyaduna gudbisay labadan xubnood

1. Rashiid Casayr

2. Maxmed Aw Cabdi Cismaan (Jiir)

Axmed Dhagax  iyo 31 May

Xubnaha metelaya labadan degmo ee waaxda ololaha xisbiga KULMIYE ee degmada Axmed Dhagax iyo degmada 31 May ayaan iyaga weli la soo gudbin.

Ibraahim Koodbuur iyo 26 June

Xubnaha guddiga ololaha  ee degmooyinka Ibraahim Koodbuur iyo  26 June, ayaan iyagana weli la gudbin, waxaana la sheegay inaan weli lagu heshiin xubnihii degmooyinkan uga qayb geli lahaa.

Daami (1 xubin)

1. Wasiir Mahdi Cismaan Buuri oo ah aqoonyahan caan ka ah dalka iyo caasimadda Hargeysa ayaa la sheegay in la isla qaatay inuu metelo xaafadda Daami, inkastoo ay jiraan warar sheegaya suurtogalnimada in xubintaas lagu qoro xubin dhallinyaro ah.

15-ka xubnood ee Hargeysa waxa ka soo baxay natiijo u badan tabasho ay degmooyinka qaarkodo ka muujiyeen saamiga ay ka heleen 15-ka xubnood, waana sababta ugu muhiimsan ee keentay inaanay degmooyinka qaarkood weli gudbin xubnihii meteli lahaa, waxase  socday xalay ilaa shalay kulamo lagu dejinayo wixii natiijo taban ah ee ka soo baxday saami qaybsiga, waxaana suurtogal ah in dib loogu noqdo tirada saami qaybsiga guddiyadan.

Sidoo kale waxa la diyaariyay xubnaha ololaha ee degmada Gabiley oo tiradooda lagu sheegay 15 xubnood, waxaana loo qaybiyay beelaha wada degen degmadaas Gabiley ee xarunta gobalka Gabiley.