“Xisbi Xaakimku Waa Muraayadda Xukuumadda Jirta, Kolba Sida Uu U Ekado Ayay Xukumadduna Tahay”

0
508

Hargeysa (Geeska) – Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo Xukuumaddii hore Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, ayaa sheegay inuu isagu ku taliyey in aan Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye la yarayn, isla-markaana uu noqdo Xisbigu Xisbi shaqaynaya oo aan wakhti kooban oo qudha shaqaynin, isla-markaana noqda Xisbi wixii ka khaldama Xukuumadda u tilmaama, si loo saxo.

Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo shalay soo saaray Qoraal uu arrintan kaga hadlayo ayaa yidhi “Anigu waxaan idhi Golaha dhexe (Tiradiisa) yaan la yarayn oo xisbiga laga dhigo Xisbi shaqaynaya oo qaadhanka xisbinimo la bixiya.”

Wasiir hore, Dr. Cumar Shucayb waxa kale oo uu ku taliyey “Golaha dhexe yaanu noqon mid marka wax la dooranayo uun boodhka laga tumo, balse uu noqdo Mid xisbigu Xukuumadda ku haga Qorshayasheedi dadku codka ku siiyay oo waxii khaldamana Xukuumadda u tilmaami kara oo barmaamijyo horumar hindisi kara , Waayo? Xisbi- xaakimku waa Muraayadda Xukuumadda jirta, kolba siduu u eekado ayay Xukuumadduna tahay..” ayuu yidhi.