Xirsi Oo Sheegay Inay Dhisi Doonaan Madaarka Kalabaydh Marka Ay Talada Ku Guulaystaan 

0
741

Arabsiyo(Geeska)- Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Madaxa ololaha xisbiga Waddani, Xamse Khayre ayaa qado sharaf loogu sameeyey deegaanka Agamsaha oo ka tirsan degmada Arabsiyo.

Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada socdaalkoodan, waxaanu sheegay in xisbiga Waddani uu dhisi doono garoonka diyaaradaha ee Kalabaydh marka ay ku guulaystaan doorashada iyo hogaaminta dalka, waxaana uu yidhi “Qaddo saaxiibtinimo ayuunbaa nalagu soo dhaweeyey, may ahayn shaqo siyaasadeed, aad iyo aad ayay ugu mahadsan yihiin, deegaankani runtii waa deegaan horumarineed oo runtii khayraad badan leh (resource), waa deegaankii khudrada iyo beeraha ee gobolka Gabiley. Gobolka Gabileyna runtii waxaabanu ka dhignay xaruntii ololaha ee xisbiga Waddani.”

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale sheegay inay dhisi doonaan garoonkii Diyaaradaha ee degmada Kalabaydh ee Gobolka Gabiley hadii ay hogaaminta talada dalka ay ku guulaystaan. “Insha Alaahu markay doorashadu inoo dhamaato ee aynu guusha hanano Madaarkii Kalabaydhna waanu samayn doonaa insha alaah, waanad ku darsanaysaan, waanad ogaanaysaan.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Madaxa ololaha ee xisbiga Waddani, Xamse Khayre, waxaanu yidhi “Horta waxaan idiin sheegayaa Arabsiyi waa Waddani, Arabsiyi waa Camp-David Madaxweynaha Waddani. Wax lala yaabana maaha in aanu nimaadno waanu imanaynaa waananu ku soo noqonaynaa oo beeralayda ayaa na casuuntay.

Waxaan leeyahay Kulmiye iyo Warbaahintiisa ha ku mashquulina xisbiga Waddani, waxa la idinka sugayaa in aad ka soo jawaabtaan dhaliilaha iyo eedihii uu Ismaaciil Yare soo bandhigay kuwaas ayaa idin dul hoganaya oo loo baahan yahay in aad ka jawaabtaan’e.” ayuu yidhi Xamse Khayre, madaxa ololaha xisbiga Waddani.