Mashruuc Lagu Daryeelayo Hooyada Iyo Dhalaanka Gobolka Hawd Oo La Daah-furay

0
956

Hargeysa (Geeska)-Mashruuc lagu daryeelayo, laguna nafaqeeynayo Hooyada iyo Dhalanka,oo Dawladda Jarmalku maalgalinayso, oo muddo sannado ah ka socon doona deegaanada kala duwan ee Gobolka Hawd, ayaa si rasmiya loo daah furay.

Munaasibadii mashruucan lagu daah furayey oo lagu qabtay Maansoor Hotel ayaa waxa ka soo qayb galay Marwo Edna Aadan, Wasiirka Qorsheynta, Agaasimaha Caafimaadka,Madaxa Caafimaadka Hay’adda GIZ, iyo marti sharaf aad u tiro badan, Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa ka xog waramaya mashruucan iyo qiimaha uu leeyahay, waxaanu tilmaamay inay Wasaaradda Caafimaadku dadaal dheer ka gashay sidii mashruucan loo heli lahaa, loogana fulin lahaa Deegaanada Gobolka Hawd ayaa yidhi “Barnaamijkan Hooyada iyo dhalanka iyo nafaqayntooda, ee ay gacanta ku hayso ama ay maalgelinayso Dawladda Jarmalku, waxay hawshiisu soo bilaamatay sannadkii hore ee aynu soo dhaafnay 2016, ayaanu u soo qoontayna in lagu tijaabiyo deeganka Baligubadle, kolay marba wax baa dib u dhigaayey, waayo wadamada aynu lacagtana ka helaynaa Miisaaniyadooda waxay bilaamata wakhtiyo kala duwan, wax markaba dhammaada ma jiro, ee sida uu u soo socdaba, maanta waa inaga halkan u fadhina inaynu ka hadalno deegaanka aynu ka fulinayno, waxaana u maleeynayaa in sinaasha in wakhtigan aanu u doorno Baligubadle, inay ahayd wakhti uu ILLAAHAY na waafajiyey, in aanu meeshii ugu haboonayd barnaamijkan la geeyo, mashruuc uu bilaabaya, sida ugu dhakhsaha badan buu u bilaamayaa, shaqaduna waa sidaas ay u bilaamatay, sida ay sameeysay qolaada mashruucan,Dawladduna la qaadatay, waxa mashruuca bilaabi doona oo gacanta ku hayn doona World Vission, oo Wasaaradda iyo Dawladda Jarmalkuna ka wada shaqeeyn doono, hawsha inteeda badani waxay ku hadhay deegaanka iyo dadka inta badan shaqada gacanta ku hayn doona”.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi ‘Waxaan idin kula dardaarmaya Hooyada iyo dhalanka, iyo dadka loo adeegayo ka hor, waxa jiray shaqaale intii ay Somalilandba jirtay halkaas joogay, dadka shaqadaas qaban doona ee loogu horeyn siin doono, waxa ka mid ah dadkii halkaas hore uga shaqeeyn jiray, waxa had iyo goor dhacda in iyadoo shaqaalihii joogaan in Hay’adduhu shaqaale dibadda ka keenaan, taas oo noqota wax la is dulsaaray, hadhawna sidaad u xaliso ay kugu adkaanayso, haddii qofka hore u joogay xaqiisa la eegina, xaq wanaagsana kuma shaqeeyn karaysid”.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo iyana halkaas ka hadashay, ayaa ka warbixisay muhiimada uu mashruucani leeyahay, waxayna tilmaamtay inay muhiim tahay mar walba in la ilaaliyo oo la xanaaneeyo Hooyada uurka leh iyo dhalankaba, waxayna tidhi “Barnaamijkani wuxuu u socdaa sidii saxda ahay,marka imika ma sii odhan karo Gobolka Hawd wuxuu ka mid yahay Gobolada Somaliland la dayacay,laakiin markii hore wuxuu ahaan jiray Gobol ka mid ah Gobolada la dayacay ee Somaliland,waxaan leeyahay yaanay taasi dib u dhicin,wixii taageero, talo  iyo tababara ee aad iga baahataana waad idinla garab taagan nahay”.

Wasiirka Qorsheynta Maxamed Ibraahim Qabo, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in mashruucani la fuliyo, waxaanu xusay in furitaanka mashruucan dartii uu uga yimid safar dheer, waxaanu xusay in Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaanba mashruuc walba oo faa’iido u leh dadka iyo dalkaba, sida mashruucan oo kale inay ku dadaalayaan sidii loo hirgelin lahaa.

Madaxa Caafimaadka Somaliland ee Hay’adda GIZ Axmed Cabdilaahi Maxamed oo isna halkaas ka hadlay, ayaa warbixin dheer oo ku saabsan qiimaha uu mashruucani leeyahay, ka sheegay, waxaanu sheegay in hadafkoodu yahay sidii loo daryeeli lahaa Hooyooyinka iyo Dhalanka, iyo sidii meesha looga saari lahaa ama loo yareeyn lahaa Hooyooyinka uurka leh ee u dhimanaya nafaqo ama daryeel la’aan.