Xilli Sannadeedka Uu Ilmuhu Dhashaa Waxa Uu Raad Ku Yeeshaa Dabeecaddiisa Iyo Caafimaadkiisa Mustaqbalka

0
614

Picture8Prague (Geeska)- Khubaro ku xeel-dheer cilmi nafsiga ayaa sheegay in dabeecadda nololeed iyo deegaan ee ilmuhu ku dhex ababaa mar walba saamayn ku leedahay dhaqanka iyo dabeecadda mustaqbal ee ilmaha isla markaana ay jaangoyso shakhsiyaddiisa runta ahi waxa ay noqon doonto. Khubaradan oo u dhashay dalka Jamhuuriyadda Czech waxa ay sheegeen in baadhitaan dheer iyo dabagal cilmi ah oo ay muddo ku jireen kadib ay ogaadeen in hadba xilli sannadeedka uu ilmuhu dhashaa ay raad ku leedahay samaysanka shakhsiyadda ilmaha iyo xaaladdiisa caafimaadba. Natiijada daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Alqabas ee ka soo baxa dalka Kuweyt, waxa ay khubaradu ku sameeyeen shax muujinaysa dabeecadaha laga filan karo ilmo kasta iyada oo la eegayo xilliga uu sannadka ka dhashay.

Gu': (Waa bilaha Saddexaad, Afaraad iyo Shanaad): Ilmaha dhasha xilligan ama bilahani waa ilmo firfircooni iyo karti ku caan ah, waxaa suurtogal ah in lagu arko in baahidiisa maalinlaha ah, gaar ahaan daryeelka hooyadu xasaasi agtiisa ka yahay, taas oo mancaheedu yahay in uu mar kasta si gaar ah u daneeyo inuu daryeel helo. Carruurta xilliga gu'ga dhasha waxa lagu yaqaannaa dad farxad iyo badhaadhe badan.

Xagaa: (Waa Bilaha Lixaad, Toddobaad iyo Siddeedaad)- Carruurta xagaaga dhalataa waxa ay caan ku yihiin firfircooni jidheed oo cid kastaa dareemi karto, caafimaad wanaag, iyo dabeecad wanaag guud, waxa ay dhakhaatiirtu sheegaan in dadka dhasha xilliga xagaaga cadceeddu u leedahay faa'ido gaar ah oo ay ka mid tahay in ay kiciso firfricoonina ku abuurta unugyadooda maskaxeed iyo jidheed. Waxa ay daraasaddu sheegtay in si gaar ah hablaha dhasha xilligani ay inta badan innamada dheer yihiin deggenaan iyo maskax badni xad dhaaf ah, iyo hablaha ugu badan ee darajada sare ka galo waxbarashadu ay yihiin kuwa dhashay xilliga Xagaaga.

Dayr: (Bilaha Sagaalaad, Tobnaad iyo Kow iyo Tobnaad) Carruurta dayrta dhalataa waxa tilmaam u ah cadho badni iyo kulayl, waa dad warwar badan, bilowga korniinkoodaba waxa laga dareemaa in ay jecel yihiin jimicsiga iyo isboortiska, dhismaha jidhkooduna waa mid xooggan oo dhisan. Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in carruurta dhalatay Dayrtu ay caan ku yihiin caqli badni iyo maskaxdooda oo la dareemo in ay ka hor bislaatay sida caadiga ah. Carruurtan qaarkood waa xasaasi, waxaana la aaminsan yahay in ay taas inta badan ka dhaxlaan hooyooyinkood.

Jiilaalka: (Laba iyo Tobnaad, Koowaad iyo Labaad) Tilmaamaha ugu weyn ee carruurta dhalata xilligan sida ay khubaradani qabaan, waxa ka mid ah, garaad badni iyo kartidooda jidheed ama dhaqdhaqaaq oo aad u sarraysa, laakiin waa dad u nugul cudurrada ka dhasha qabawga oo uu hargabku ka mid yahay. Sida ay khubaradu sheegeen tani astaan uma ahaa daciifnimo ee waxa daraasaddu ogaatay in carruurta xilliga jiilaalka dhashaa yihiin kuwa ugu awood badan dhinaca hab dhiska difaaca ee jidhka, haddana ay u nugul yihiin hargabka iyo xanuunnada qabowka ka dhasha oo dhan.