Xildhibaano Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Baabiinayso Nolosha Dadka Danyarta Ah

1
633

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada tirada yar ee ka soo hor jeestay xeerka xoolaha iyo gaadiidka ku waajibinaaya cashuurta dheeraadka ah, ayaa xukuumada ku eedeeyay inay xildhibaanada ku kala qaybisay dhabar taabasho iyo shirar doceedyo beelaysan isla markasna ay ku meelmarisay xeerka ay doonaysay.

Xildhibaanadani waxay shacbiga u soo jeediyeen inay talaabo qaadaan si ay isaga xakameeyaan cashuurahan lagu socodsiinaayo.

Waxaany sidan ku sheegeen xildhibaanadani shir jaraa’id oo ay ku qabteen isla xarunta golaha markii xeerkaas la ansaxiyay,iyaga oo ansaxinta xeerkaas ku tilmaamay mid u muuqada inqilaab sharci oo isa soo taraayay mudooyinkii danbe.

Xildhibaan Saleeban Cali  Koore oo ugu horayntii halkaas ka hadlay waxa hadaladiisa ka mid ahaa  “Waxanu u arkaynay xildhibaanadayda halkan fadhiyaa mid aan dan u ahayn dadka dalka iyo danyarta reer Somaliland ee meel kasta ku nool. Waxaad arkayseen in xildhibaano badan u codeeyeen masuuliyada dhaqdhaqaajiska iyo dhabar taabashada iyo shir hoosaadadii 48-dii saacadood ee u danbeeyay socday ayaa keenay in la badalo rayigii saxda ahaa ee xildhibaano badan qabeen oo xildhibaano badan ayaa doodoodii iyo fartii ay taageen ay is qaban wayday cida is diidsiisay fartoodii iyo maskaxdoodiina ee dhaqdhaqaajisayna waad garanaysaan. Shalay markay UDUB joogtay waxa la odhan jiray xildhibaano ayaa guryo loogu tagay,waa halkii iyo meel ka sii daran oo ay xukuumadani caadaysatay,inay hantidii umadda ku majara habaabiso oo ay u diido inay maskaxdoodii iyo gacntoodii ay is diidaan. Waxa halkan ka muuqata masuuliyad dawladeed oo duntay haday tahay mid golayaal iyo haday tahay mi xukuumadeedba.”

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa waxa uu isaguna dhankiisa yidhi “Waad ogaydeen in intii doodu socotay  mudanayaal badan in ay ku soo jeediyeen in xeerkani aanu haysan wadadii saxda ahayd,maantana sida ay wax isku badaleen waad aragtaa  xildhibaanada halkan fadhiya mid aan shan jeer lagu soo noqon ma jiro anaga oo danta shacabka iyo qadiyadan inaan dariiq saxdaa ku soo celino difaacayna waanu ka gaws adaygnay in waxii naloola yimi aanu aqbalno,mudanayasha aqbalayna dadweynii soo doortay ayay u taala waxa ay ka yeelayaan,ma diidanin in wado la dhiso ee waxaanu leenahay qaabka loo dhisayaa maaha kan oo qaabkii saxda ahaa maaha waa mid u jeedo yar oo gaaban laga leeyahay oo lacag urursi ah,wado hadii la dhisaayo haayadii wadooyinka ee qaranka ayaa sharciyadeeda la samayan lahaa madaxbanaanideedana loo dayn lahaa.waxaanu umadda u sheegaynaa in xeerkan idinka laydinku dhaqaayo anaguna aanu shaqsi ka noqonayno idinka ayaanay idiin taala sida aad uga gil gilan kartaan ee aad isku hor taagi kartaan.”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile ayaa isaguna si adag talaabadaas u naqdiyay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Dalku waxa uu galay in qalaab sharci,waxaad in badan maqashaan dal inqilaab lagu qabsaday laakiin Somaliland waxa ka dhacay inqilaab sharci,inqilaab sharci marka uu dhaco lama hayo halbeeg waxa lagu qiyaaso majaraha iyo hogaanka qaranimaduna waxa uu galaa mugdi dadka waxa dhaqaa waa dastuur iyo xeer uu isagu xushay.

Xildhibaan Qabiile waxa uu soo qaatay gabay uu tiriyay  Abwaan Qaasin sanadkii 1969 Waxaanu xildhibaanku hadalkiisa ku soo gunaanaday “Maantan xukuumadan geeridii shacabka guusha iyo inay ku talaabsanayso u qaadatay anigu ismalahi cimrigeedu waa uu dheeraanayaa.  Umaddana waxaanu u sheegaynaa  in aanay jirin golayaal idiin dhisan wxaanan idiin soo jeedinaynaa inaad cududiina ku kala dareerisaan oo aanay jirin golayaal naanays idinku noqdaa.

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte), ayaa isagu dhankiisa ka hadlay xeerkaas labada dhinac ee ku hirdamaayay “Xeerka meesha yaalay waxa danahoodu isku hayeen danaha shacabka iyo xukuumada xildhibaanda  golahuna labadaas ayay kala raacsanaayeen badhna danaha shacabka ayay u hadlayeen badhana xukuumada ayay u doodayeen intii doodu socotayna xildhibaanadu way kala qaybsanaayeen,waxaan dhacay xildhibaano badan oo fikirkii ay qabeen iyo dadkii ay matalayeenba  intay ka jeesteen dano gaar ah oo ay xukuumada ka leeyahiin ama ka heleen raacday.Xeerkani waxa uu ahaa mid sharci daro ah oo aan soo marin dariiqyadii xeerarku ay soo mari jireen.”

Ugu danbayntii Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)  ayaa si adag uga hadlay ansaxinta xeerkan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Xildhibaano badan ayaa nala mawqif  ahaa laakiin wax badalay shirar doceedyada beelaysan iyo mustafaynta.haaydan tidhi waxbaan gurayaa ma madax banaana, waxaana xeerkan la ansaxiyay ku qoran lix bilood ka dib ayaa sharci loo samayn doonaa ma waxaad aragteen haayad xeer aan lahyn oo lacag qaada.umadda reer Somalilandeey beenbaa laydiin sheegay balaayin dolar ayay wadooyinkani u baahan yahiin dhagaxan la dhigayna waa dhagax karis,madaxweynuu waxa uu u baxay safar uu dhagaxaan miidhan oo lagu turan turoodo soo daadiyay,waxaana bilaabmay kaanbayn lacagtan la ansaxiyayna waxa la doonayaa in inta la urursado kaanbaynkaas lagu galo.waxa laga gaadhsiinayay xeerkan arafada oo waxay yidhaahdeen laba markab ayaa na dhaafaye inta kale hana dhaafinina. Umad yahay idinka ayaa idiintaala sida aad ka yelaysaan xeerkan qarbooshka ah ee sida qarjajacda ah lagu ansaxiyay.”

Comments are closed.