Xildhibaano Sharci Darro Ku Tilmaamay Qaabkii Ay Gudida Qandaraasyada Qaranku U Bixiyeen Diiwaangalinta

0
584

Hargeysa(Geeska):-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaamay shirkad ay gudida qandaraasyada qaranku siiyeen in ay Somaliland ay ka hirgaliso diiwaan galinta madaniga ah.waxaana ay carabka ku dhufteen in aan la garanayn cida ay tahay shirkadaasi.

Xildhibaanadan ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa,ayaa waxaa ay sheegeen in qaabka loo soo xulay shirkada la siiyey uu ahaa mid musuqmaasuq oo aan lawaydiinin shuruudihii looga baahnaa in ay buuxiso.

Md:Siciid Warsame Ismaaciil oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in asal ahaanba ay sharci darro tahay in Xukuumada Siilaanyo ay la wareegto gudida diiwaangalinta madaniga ah,waxaana uu ku eedeeyey xukuumada Siilaanyo in ay ku tumatay shuruucdii dalka ee u kala xadaysnayd Sharci dajinta,Fulinta iyo bahda garsoorka.

"Arrintan diiwaan galinta madaniga ah ee ay hada leedahay Wasaarada arrimaha guduhu waanu qabanaynaa arrintaas marka la eego asalkeeda horta sharciyad ay ku fadhidaa ma jirto madaxweynuhuna waa uu soo saaray iyada oo sharcigii iyo xeerkiiba uu maqan yahay markaa waxaa la doonayaa in lagu fuliyo wareegto madaxweyne oo sidii digtaytarada lagu maamulo ee waxaa aynu ahayn dal  dimuqraadiyad iyo xeer leh oo saddex dhadhaar oo qolana sharci dajin tahay,qolana fulin tahay,halka qolada kalana ay ka tahay garsoorka.Hadaba marka aan kahadalno qaabka loo bixiyey iyo sida loo siiyeyba  waxa weeye qaabkaa loo bixiyey iyo dadka la siiyey ayaa ah mid Musuqmaasuq baahay ah shirkada la siiyeyna maaha shirkad muctarifa oo layaqaano oo lamawaydiin  taariikhdeeda hanti lama waydiin iyo waxa kale oo ay leedahay shirkadu toona"Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in wakhtiyadii hore ay haayada qandaraasyada qaranka Somaliland ay lahaan jirtay nidaam iyo hab lagu kala saaro shirkadaha soo codsada qandaraasyada balse hada aanay haayada qandaraasyadu lahayn nidaam la raaco oo suurta galin kara in lagu kala saaro shirkadaha so codsada qandaraasyada.

"Wax waliba nidaam ayaa ay leeyihiin oo tartamayaal ayaa ay ahayd in ay ka soo qayb galaan,deedna loo tartamo oo waxa yaala oo la eego waxyaabaha ay kari karaan oo dee hab loo raaco ayaa ay la haan jirtay oo ay raaci jirtay haayada qandaraasyadu maantana tii ma muuqato waxaad moodaa in cid loogu danaynaayo oo lacagta yar la tilmaansanayo oo aan qaranku waxii uu lahaa ee u qabsoomi lahaa aan danba laga galayn " Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale.