Xildhibaano Reer Berbera Ah Iyo Ilaalada Wasiirka Daakhiliga Oo Isku Dhacay

0
541

Picture1

Barbera(Geeska):-Qaar ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada Barbera ayaa laga hor istaagay in ay hore u galaan xarunta Dawlada Hoose ee degmada Barbera,waxaana uu dagaal gacan ka hadal ahi uu dhex maray ciidanka illaalada wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-Cadde oo halkaasi ku sugnaa,waxaana ay xildhibaanadu sheegeen in dhawaacyo fududi ay ka soo gaadheen jugo ay sheegeen in ay u gaysteen ciidanka illaalada wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Waran-Cadde.

Xildhibaanadan oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Saleebaan Cali Khayre iyo xildhibaan Iid ayaa ka dib gacan ka hadalka dhexmaray ciidanka illaalada wasiirka arrimaha gudaha ayaa warbaahinta u sheegay in loo diiday in ay ka qayb galaan kulan uu wasiirka arrimaha gudaha Md:Cali Maxamed Waran-Cadde uu la yeelanayey xildhibaanada golaha deegaanka degmada Barbera,kaasi oo ay u jeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa mudaharaado shalay sababay rabshado oo ka dhashay Maxjar laga samaynaayey bariga magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre oo ka mid ahaa Xildhibaanada ay gacanta u qaadeen ciidanka illaalada wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-Cadde,ayaa masuuliyada falkaasi dusha ka saaray in ciidanka uu amarka soo siiyey Md:Cali Maxamed Waran-Cadde.waxaana uu tibaaxay in laga hor joogsaday in uu ka qayb galo kulanka uu wasiirku la yeelanayey xildhibaanada golaha deegaanka degmada Barbera.

"Cida masuuliyada lahi waa cida Ciidanka Illaalada wadata,ayuunbaa noqonaysa cida masuuliyada amarka leh,Illaa hadana wax talaabo ah lagama qaadine.waxa la noo diidan yahayna waa anaga oo Xildhibaanadii shacabku ay soo doorteen ah oo waxa xaqa ah ee umaddani ay soo doorten ah oo wa xaqoodii lagu duudsiyaayo"Ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre

Waxaa sida oo kale halkaasi ka hadlay xildhibaan Iid oo isnay ay ciidamada illaalada u ah Cali Waran-Cadde ay isna gacanta u qaadeen,iyada oo uu sheegay in ka dib markii uu is yidhi ciidanka ka qabo xildhibaanka isna ay gacanta saareen.

"Markii aanu is nidhi meesha gala,ayaa labada yadaba nalagu bilaabay,markaan idhi alla waar waa xildhibane ka qabana,ana toban ayaa igu dagay,isna Labaatan ayaa ku dagay,sidaa uu sheegay Xildhibaanku waa laynagu soo duulay ee lay nooma soo gurman"Ayuu yidhi Xildhibaan Iid

Mid ka mid ah dadkii goob joogayaasha ahaa ee arkaayey markii ay ciidanka illaalada u ah Md:Cali Waran-Cadde ay garaacayeen xildhibaanada,waxaana uu isna sida oo kale uu sheegay in markii ay isaga iyo dad kaleba isku dayeen in lad qabo ku kala dhex galaan ciidanka iyo xildhibaanada ay sida oo kale sababtay in isagana gacan loo qaado,waxaana uu sida oo kale uu intaasi raaciyey in markii uu badhasaabka gobalka Saaxil uu halkaasi soo gaadhay uu isna isku dayey in uu xildhibaanada galiyo hoolka uu shirku ka socday balse laga diiday in uu soo galiyo xildhibaanada.

"Ninki Xildhibaanka ahaa ee Saleebaan Cali Khayre oo la garaacayo ayuunbaan meesha kula kulmay,markii aan is idhi Askartii ka qabana anagana gidaar ayaa ay igu dhufteen,waana ay i jiiteen oo ay in ay gaadhi igu ritaan ayaa ay dooneen,badhasaabkii ayaa na soo gaadhay deedna aniga iyo badhasaabka ayaa soo qabanay xildhibaanka oo is nidhi xafiiska galiya,deedna badhasaabka oo gacanta ku wada ayaa laad baadilka lagala dhacay,hada badhasaabkii ayaa wadaba!!!."Ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii goob joogayaasha ahaa oo warbaahinta la hadlaayey.