War murtiyeed Ay Soo Saartay Gudida Horumarinta Afgrad Ee Beelaha Arab

0
474

Picture3Hargaysa(Geeska) Gudida horumarinta Beelaha Arab ee Afgarad ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Hargaysa shalay ka soo saaray war murtiyeed ay kaga hadlayaan amuuro la xidhiidha Beelaha Arab iyo guud ahaanba horumarka dalka Somaliland. Shirkan ay gudidu yeelatay ayaa ahaa shirka bil-laha ah ee gudida Af-garad ay yeelato bishiiba maalin, waxaana  shirkan lagu lafo guray heerka  ay beeshu ka marayso dhinacyada waxbarshada, horumarka ,Caafimaadka iyo waxyaabaha nolasha u aasaasiga ah. Shirkan ayaa lagaga  dhagaystay gudi hoosaadyada Gudida Afgarad waxyaabihii uqabsoomay gudi walba bishii lasoo dhaafay kuwaas oo mid mid  uga hadlay gudi waliba waxa uqabsoomay iyo waxaan u qabsoomin. Ugu dambayntiina waxaa shirkan ka soo baxay Warmurtiyeed ka kooban dhawr qodob oo kala ah sidan hoos ku qoran.

1.     in beelaha Arab siday awalba uga qayb qaadan jireen nabada iyo Horumarka dalka uga qayb qaadato.

2.     In beelaha Arab danta guud  meel uga soo wada jeedsato

3.     In afka Beelaha Arab ay ku hadli karto Gudida Afgarad ee beelaha Arab oo keliya marka laga reebo Salaadiinta Arab.

4.     In Beeshu soo dhawaynayso wax kasta oo ku saabsan horumarka dalka Somaliland.

Wixii talo ah ee aad hayso waxaad  Gudida Horumarinta Beelaha Arab Kala Soo Xidhiidhi Kartaa Ciwaanka  gudidaafgarad@gmail.com

 

Gudida Fulinta Ee Afgarad……………….