Wasiir Xasan Gaafaadhi Oo Dawladda Imaaraadka Carabta Hawada U Mariyay Dacwad Ka Dhan Ah Boqor Buurmadoow

0
912

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee xukuumadda Madaxweyne Md. Xasan Gaafaadhi ayaa dawladda Imaaraadka Carabta ka dacweeyay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, oo uu ku eedeeyay inuu qas iyo xasilooni darro ka dhan ah Somaliland ka soo gudbinayo dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir Gaafaadhi ayaa barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay inaanu dawladda UAE ka filayn in dadka ajaaniibta ah ee ay degenaanshaha ku meelgaadhka ah siisay ay si joogto ah dalkeeda uga soo gudbiyaan xasilooni darro ka dhan ah Somaliland oo la saaxiib ah, waxaanu tusaale u soo qaatay Boqor Cismaan oo uu ku tilmaamay dambiile caadayste ah. Wasiir Gaafaadhi, wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Maan filayn dawladda Imaaraadka Carabtu inay ogolaato oo u dul-qaadato shisheeye ay siisay dal-ku-gal ku meel gaadh ah inay si joogto ah u gudbiyaan oo u kiciyaan xasilooni darro iyo khilaaf ka dhaca Somaliland oo la saaxiib ah. Boqor Cismaan Buurmadow waa u tusaale arinkaas, waana dembiile caadayste ah.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here