Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiilada Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka

0
645

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka tirsan Golaha Guurtida iyo Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay aragtidooda ku wajaahan xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed iyo Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Saleebaan Garas Seed wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Dal iyo ahaan iyo dawlad ahaanba maanta meel wanaagsan bay wax inoo marayaan, inaynu hore uga sii socono mooye, la inoogama baahna inaynu ciirno ama aynu dib u noqono,maanta waxaynu rabnaa inaynu si toos ah Caalamka uga mid noqono, waxaynu rabnaa inaynu aqoonsi iyo ictiraafba aynu helno, waxaynu rabnaa in Calankeena laga taagno Qaramada Midoobay, waxaa la inooga baahan yahay dadaal, iyo inaynu is dhegaysano, inaynu isku tanaasulno, inaynu wax walba xal ka gaadhno, waxaa la inooga baahan yahaynu nabadgalyadeena ilaashano, oo Doorashooyin xor iyo xalaal ah aynu qabsano, muujinana isku duubnideena”.

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo isna arimahan ka hadlay ayaa yidhi “Dawladdii Siyaad Barre wixii inaga qabsaday cid walba wey ka war haysaa, cadaadiiskii iyo dhibtii ay dadkeena ku haysana cid waliba wey og tahay, markaas guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan kula talinayaa oo aan leeyahay tafaraaquuqa iska ilaaliya, oo midnimadiina, isku duubnidiina, wada jirkiina iyo qaranimadiina wada ilaashada, wax kastoo khatar ku ah Dawladnimadiina ka dheerada, Dawladdana waxaana leeyahay mar walba ka war hay dalka iyo dadkaba”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here