Dr. Cali Khaliif Oo Xukuumadda Ku Canaantay Fulin La’aanta Heshiiskii Khaatumo Iyo Jawaabta Wasiir Maxamed Kaahin

0
797

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cali Khaliif Galadh ayaa rajo xumo ka muujiyay in Somaliland la kala yeesho isagoo sheegay in  heshiiskii Khaatumo lala galay ay dawlada madaxweyne Biixi fulinwayday.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa madasha ka sheegay in madaxweyne Biixi uu ku qasban yahay inuu fuliyo heshiiska xukuumadii ka horaysay ay gashay,waxaanu carabka ku adkeeyay in dhawaan arintaas talaabo dhankeeda loo qaadi doono, labadan masuul ayaa hadalkan isku dhaafsaday xaflad haayad samo-fal loogu samaynaayay Mujaahid Axmed Ismaaciil Dukhsi oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM.

Ugu horayntii Cali Khaliif Galaydh oo si cadhaysan uga hadlaayay sida dhabarka loogu jeediyay waxa uu yidhi“ Anigu waxaan odhan lahaa oo khalad badan laga fahmay waar Somaliland la wada leeyahay habkii Axmed  Ismaacil Cabdi iyo ragiisu ay uga shaqeeyeen aan looga shaqayn walee meel fog ayaa laga dooni,Xamarna waxa yaala waan ognahay Garoowe iyo hakan 4.5 ayay noqtay bal inan tolkii uga dhawahay Somaliland iyo Burcaba ee hadana leh Somaliland ayaan aaminsanahay hadana aan ka dhaqaaqi karayn heshiiskii madaxweynuu saxeexay oo baarlamaanku gudbiyay,  hadalkaas waxaan u leeyahay dad badan ayaa odhan jiray waanu ku maqmaqli jirnaye, waar saxaafada anigaa ka gaabsaday maxaa yeelay tabliiq siyaasiga aanu ka hadlaynay ayay dadka qaarkii shido iyo xumaan u arkeen waar anaga ayaa Somaliland rabna waar anaga ayaa ka mid ah,cidna marti uma nihin, laakiin arintaas haddii aan la dhamayn, hadda maaha mid la leeyahay hadaydaan waxaas dhamayn anaguna sidas ayaanu yeelaynaa,waxaanu magaaladan ka maqalno iyo dad masuul ah oo aanan ugaba baran inay arimo siyaasadeed ka hadlaan oo ciidamada ah oo nin ciidanka hoggaamiya sidee arimo xaasaasi ah oo qabali ah oo runtii dhib nagu wada haya, cidaad la leeyahay cidii baxdayna tage kuwa kalena haka daba tageen, nin weyn tag lama yidhaahdee wax uu u tagaa la tusaa, Somaliland cid kale leedahay walee in aanan kamid noqonayn Somaliland aanu marti ka nahay oo aanu baryayno kama mid noqonayno,waar anigu hadaan ka mid noqdo waaban joogaa Hargeysa ee umada aagaas joogtaa oo la leeyahay 6800 oo ciidan ah ayaa u qoran oo laba milyan  oo doolar ayaa ku baxda caaglaynta iyo khaladka Hargeysa ka socda umad kale laguma eedayn karo,ka tagayna waxa uu uga tagay ayuu arkay waar inta yar ee ku hadhayna ha ka didinina “

Intaas kadib wasiirka arimaha Maxamed Kaahin gudaha ayaa isaguna jawaab cad halkii ku bixiiyay isaga oo sheegay in madaxweynuu ku qasban yahay fulinta heshiiskaas, waxaanu yidhi“ Aniga Faysal iyo Maxamed Xaaji Aadan qoladii gudida khaatumo la shiraysay ayaanu ahayn go’aamadii ayaan qaadnay habeenkii ugu danbeeyayna faysaloow hudheelka Gran Hadi ayaan joognay oo qodobadii waan isla qaadanay waxaan meel dhignay in gidigood la wada fuliyay, waxii baaqi noqdaa anaga ayay baaqi nagu noqonayaan madal danbena waa lagaga wada hadlayaa oo gudidayadii oo kaliyaati ka wadahadli mayso, heshiiskii xisbiga Kulmiye uu galay Axmed Siilaanyo saxeexay kaas ayuu Muuse Biixina ku qasban yahay,xisbiga Kulmiye dawladii joogtay ayaa fulisay xisbiga maanta joogaana waa Kulmiye kaas ayuu ka mid yahay,  anigu madashan mujaahidka ku gargaroocan maayo in aan jawaabo ka bixino laakiin jawaabo ayaa laga bixinayaa,waana ay ka soo baxayaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here