Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Booqday Borama

0
721

 

GolahaHargeysa(Geeska)-Toddoba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada, ayaa booqasho ku tagay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal, waxaanay safarkooda ku macneeyeen mid loogu kuur galayo dhinaca arrimaha bulshada.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaadhe oo ah madaxa wafdiga oo ka hadlay ujeeda safarkooda ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan nahay daneeyayaasha caafimaadka, waxa aan halkan u nimid inaan indho indhayn ku samayno xaalada caafimaadka ee G/Awdal, waxana aan doonaynaa inaan la kulano madaxda caafimaadka ee heer gobol iyo heer degmo, waxana aan doonaynaa inaan ka waraysano adeegyada caafimaadka ee la fuliyay sida ay yihiin, inay ku filan yihiin dadka iyo waliba sida buldhada loogu adeego”.

Xil. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo isaguna ka marag kacay inay ujeedada safarkoodu salka ku hayso u kuurgalida baahida caafimaad ee jirta, waxana uu yidhi “ Hadii aan nahay daneeyayaashii caafimaadka ee Golaha Wakiilada, waxa aan rabnaa inaan xaqiiqda gunta jirta soo taabano oo aan waxbadan xog-ogaal u noqono xaalka caamidaad ee Gobolka, ujeedada safarkayagani taasi ayay daaran tahay, waxana aan ka koobanahay xildhibaano kala duwan oo xisbiyo kala duwan ka socda”.

“Waxaan warbixin gaadhsiin doonaa gola, waxa ay isugu jiri kartaa waxayaabaha baahiyaha ah ee aan soo aragnay kuwo wax laga qabto iyo kuwo aan waxba laga qaban balse anaga waxa nagu waajib ah inaan ka warano xaalka caafimaadka ee Gobolka Awdal sida uu yahay.” ayuu yidhi Xil. Axmed Yaasiin Sh. Cali

Xil. Ibraahim Axmed Haybe oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “ Wasaarada Caafimaadka ayaa u qaabilsan guud ahaan caafimaadka dalka, waxana ay ku shaqaysaa sharci aan anagu soo soornay, waxa aan rabnaa in aan ogaano sharciyadaasi sida loo fuliyay, iyo sida adeega caafimaad dadka loo gaarsiiyay, waxana aan gudanaynaa waajib na saaran hadaan nahay golahii wakiilada.

Sida uu ku soo waramay weriye Cabdalle Cali Yuusuf, Wafdigan xildhibaanada ah oo ku sugnaan doona G/Awdal saddex maalmood ayaa sheegay inaanay tirade ugu jirin inay soo booqdaan xaalada dadka ku sumoobay hilibka neefka xoolaha ah ee badidoodu yaala MCH-ka Xariirad, waxana ay badi safarkooda ku qaadan doonaan gudaha Boorama iyaga oo waraysiyo iyo warbixino ka dhagaysan doona madaxda caafimaadka ee heer gobol iyo degmo.