Ololaha Doorashadii Kenya Oo La Soo Gunaanaday

0
943

 

Murashaxyada doorashada guud ee Kenya ayaa qabanaya ololohoodii ugu danbeeyay inta aan la gaadhin doorashada Isniinta, waxaana shalay la soo gunaanaday ololayaashii doorashada.

Waa doorashadii ugu horaysay ee la qabto tan iyo intii la sameeyay dastuurka cusub, si looga hortago inuu dhaco dagaal la mid ah kii dhacay doorashada ka dib shan sano ka hor oo ay ku dhinteen in kabadan kun qof.

Labada nin ee ku tartamaya doorashada Raiisal Wasaare ku xigeenka Uhuru Kenyatta iyo William Rutto, ayaa Maxkamada Danbiyada ee Caalamiga ay ku soo oogaysaa dacwad bilaha soo socda.

Labada murashax madaxweyne ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga, oo shalay la hadlay taageerayashooda ayaa ugu baaqay inay nabadgelyo ku codeeyaan, waxaana isa soo taraysa cabsi la xidhiidha doorashada, iyadoo la xasuusanyahay doorashadii 2007 oo ay qalalaase iyo dhibaatoyin badani ka dhaceen.