Maleeshiyaad Ka Tirsanaa Dablayda Buhodle Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa

0
635

 

Hargeysa(Geeska)-Shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsanaa maleeshiyadda fadhigeedu yahay magaaladda Buuhoodle, ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa.

Waxa xubnahan tuuladda Haleeya ee duleedka bari ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaan-dhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Dib u dejinta iyo dib u dhiska Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye iyo Wasiir Ku xigeenka Daakhiliga dhinaca Maamulka Mudane Cismaan Garaad Soofe.

Xubnahan ayaa sheegay inay si rasmi ah ugu soo biireen Ciidammadda Qaranka Somaliland oo ay ka mid yihiin, waxaanay u mahad celiyeen xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen inay si weyn u soo dhaweeyeen.

Cirro Saleebaan Magan oo ku hadlayay magaca saraakiishan ayaa sheegay inay wakiil ka yihiin maleeshiyo ku sugan magaaladda Buuhoodle oo metasha shacbiga deegaankaasi.

Magacyadda Shantan sarkaal waxay kala yihiin sidan:-

1- Xuseen Maxamuud Baydan.
2- Mahad Nuur Weerar
3- Cirro Saleebaan Magan
4- Dhag-jar Maxamuud Baydan
5- Cabdi Cadde.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa u mahad celiyay sarkaakiishan nabadda qaatay ee ku soo biiray ciidammadda qaranka, waxaanu xusay inay si milgo leh u soo dhawaynayaan xukuumad ahaan.