Xildhibaano Ka Hadlay Kulanka Madaxweynaha Ee Beri

0
637

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo ka tirsan Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Shirka Madaxweynuhu iskugu yeedhay Labada Gole, oo bari ka dhici doona Xarunta Barlamaanka, Shirkan wada jirka ah oo la filayo inuu Madaxweynuhu hor keeno heshiiska Saldhiga Milatari ee uu Imaraadku doonayo, ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, iyo Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, oo ka tirsan Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida shir wada jir ah iskugu yeedho, Dastuurka ayaana u fasaxaya, dadka qaar baa aragtiyo kala duwan ka bixiyey Shirkan uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay Guurtida iyo Wakiilada, arinka Saldhiga Milatari ee muddooyinkii ugu dambeeyey aad loo hadal hayey waxaan leeyahay wali ma dhamaystirna, oo wali Xukuumaddu wali hawshaas wey ku jirta, Wadankana Xukuumad baa ka talisa, ee markuu dhamaystirmo ayaa laga hadli karaa”.

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo isna ka tirsan Guddida Dhaqaalaha ee Guurtida oo isna ka hadlaya fikirka uu ka qabo shirka uu Madaxweynuhu uu iskugu yeedhay labada Gole ayaa yidhi “Madaxweynuhu kulan deg deg ah oo wada jir ah ayuu Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada iskugu yeedhay maalinta Axada, kolay kulankaas marka la gaadho ayey wax walba cadaan doonaan, oo wuxuu ku saabsan yahay markaas ayaa la ogaan doona, heshiiska Saldhiga Milatariga,kolay doodo badan baanu ka yeelan doonaa, oo aad baa loo  dhuuxi doonaa, mana doonayo in aan ka sii hor dhaco”.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, iyo Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, ayaa dhinaca kale waxay ka hadleen qiimaha sarifka ee jabay iyo sicir bararka maceeshada ee wali taagan, waxayna ganacsatada kala duwan ee dalka ugu baaqeen inay dadkooda u naxariistaan, oo ay u jabiyaan maceeshada, waxay ku taliyeen in abaarta oo wali taagan la iska caawiyo, oo dadka ay abaartu hayso gurmadkooda aan la joojin, waxay kale oo baaq u direen Madaxweynaha cusub ee Somaliya, oo ay ugu baaqeen inuu ixtiraamo dalnimada iyo jiritaanka Somaliland, oo aanu qadiyada Somaliland soo faragashan.