Warancade Oo Madaxweynaha Somaliya Kula Taliyay Inaanu Iska Indho-tirin Somaliland

0
580

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, haddana ah la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa Madaxweynaha cusub ee Somaliya soo dhaweeyey, waxaanu ugu baaqay in aanu iska indho tirin jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland, waxaanu uga digay inuu qaado dhabihii ay hore u qaadeen Madaxweyayaashii ka horeeyey ee ahaa sheegashada Somaliland.

1

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay shirkii ka dhacay Dalka Jabuuti ee Somaliland iyo Khaatumo ku wada hadleen, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Madaxweynaha cusub ee Somaliya “Waan soo dhaweeynayaa Madaxweynaha cusub ee Somaliya Farmaajo, waxaana ku hambalyeynayaa xilka  Madaxweyne ee uu ku guulaystay, isagoo si kalsooniya loo doortay, isagoo ka cod badnaa kana guulaystay Madaxweynayaashii ka horeeyey, laakiin waxa dhab ah haddii uu ku dhaqaaqo laba arimood inuu wax badan ka bedelayo Somaliya, arinta kowaad waa haddii uu ka baydho dhabihii caadada u ahaa Madaxweynayaashii ka horeeyey ee Somaliya, ee caadada ka dhigtay sheegashada dhul iyo wadan aanay lahayn oo ah Somaliland oo ah Wadan hore ula midoobay Somaliya, dhibaatooyin aad u badan oo lagu sameeyey iyo halgan dheer kadibna dib ula soo noqtay xoriyadii ka luntay, maantana ah wadan horumar balaadhan gaadhay, sinabana aan dib ula midoowayn Somaliya, haddii uu qadariyo walibana uu wax ka saxeexo jiritaankeeda iyo aqoonsigeeda dadka reer Somaliland abaal may u ahayn doonaan, waxaana u dhaqmi doonaa sidii laba dal oo jaar ah, oo walaalo ah, wixii aynu ku tari karnana waanu ku tari doonaa, balse haddii uu qaado dhabihii ay hore u qaadeen Madaxweynaashii ka horeeyey ee ahaa inay iska indho tiraan Somaliland iyo horumarkeeda waxba u hagaagi mayaan, xalkuna wuxuu ku jiraa inuu jiritaanka Somaliland uu qiro.

Arinta labaad haddii uu la yimaado xal iyo qorshe uu wax kaga qaban karo nabadgalyada iyo amaanka Somaliya ee ah dhibaatooyinka ragaadiyey ee aanay hore waxba uga qaban Madaxweynayaashii ka horeeyey Somaliya xaalada ay ku jirto wey ka bixi kartaa”.

Cali Maxamed Waran-cadde mar uu ka hadlaayey Shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Khaatumo wuxuu yidhi “Shirkan kii ka horeeyey ee ka dhacay dalka Itoobiya, is afgarad buu ku dhammaaday, Shirkan oo ah Shirkii labaad oo ka dhacay dalka Jabuutina sidoo kale is afgarad buu ku dhammaaday, inagana waxa inoo caado ah in wixii aynu kala tabanayno inaynu dhexdeena ka dhamaysano, waxaana xaqiiqo ah in Buuhoodle Somaliland tahay, Hargeysi Somaliland tahay, Boorama Somaliland tahay, Laascanood Somaliland tahay, Burco Somaliladn tahay, markaas Shirkan oo la isku afgartay waan soo dhaweeynayaa”.