Xildhibaano Ka Dayriyay Saamaynta Uu Sicir Bararku Ku Keenay Nolosha Shacabka

0
590

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Amniga iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel iyo Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan ayaa ka hadlay dhibaatada uu sicir bararku bulshada ku hayo, waxayna sheegeen inay ka mid tahay maamul xumada dalka ka jirta, cidii ay khuseeysana ay gabtay inay wax ka qabato.

Guddoomiyaha Guddida Amniga iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel iyo Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay loolanka loogu jiro Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu iska casilay Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha Guddida Amniga iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel, oo isagu ugu horeyn ka hadlaya sicir bararka ayaa yidhi “Dadku ma indho la’a, ee cid ka gudiday ama Dawlad ha noqoto, ama cid kale ha noqote ma jirto, Shacabku waxba kama qaban karo, sicir bararku maamul xumo ayuu ka dhashaa, Xukuumad, Golayaal iyo cid kale oo ka hadlaysa ma jirto, waa la sugayaa in laga hadlo, laakiin wali waa qabyo, arintaasi waxay keentay rogmad faro badan, tacab fara badan iyo dhib fara badan oo dadka shacabka ah ku dhacday, waana arin xasaasiya, waanu arkaynaa doolarkii halka uu maanta marayo, dadkii waxba ma iibsan karaan, maxa looga hadli la’ yahay dadkii ay khuseeynaysay ama Maaliyad ha noqoto , ama Xukuumad ha noqoto, ama Golayaal qaran ha noqoto, in laga hadlo ayey ahayd, in wax laga qabto ayey ahayd, ilaa maantana wax alaale wax laga qabtay ma jirto, waxaan ILLAAHAY ha rajaynayaa in arintaas la iska ururiyo, aniguba ka mid baan ahay masuuliyiinta qaranka, in lagu dadaalo sidii wax looga qaban lahaa ee loo soo dabaali lahaa ee loo soo xakamayn lahaa si wax looga qabto ayaan ILLAAHAY ka rajaynayaa”.

Guddoomiyaha Guddida Amniga iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel ayaa dhinaca kale walaac xoogan ka muujiyey khatarta ka dhalan karta xadhkaha laydhka, waxaanu Xukuumadda, Dawladaha hoose iyo Shirkadaha Laydhka ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan xal looga gaadho xadhka laydhka,

Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan,  oo isna ka hadlay sicir bararka ayaa yidhi “Sicir bararka waxa masuul ah Xukuumadda,in qiimihii shilinka Somaliland bilaa tayo noqdo waxa masuul ka ah Xukuumadda, in Bangigii  Dhexe ee loo baahnaa inuu si fiican u shaqeeyo inuu fadhiid noqdo waxa ka masuul ah Xukuumadda, halkii looga baahnaa in lacagtu ku soo noqoto khasnada dawladda, gaar ahana bangiga  dhexe, kuma soo dhacdo, ee waa la leexsadaa, Xukuumadda ayaana siday doonto ka yeesha, markaas haddii Rabi idmo Xukuumadda Waddani ee taladda dalka qaban doonta ayaa wax ka qaban doonta Sicir bararka”.

Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan,   ayaa dhinaca kale Musharixiinta la filayo inay ku tartamaan jagadda Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ugu baaqay inay si nadiif ah ugu tartamaan, waxa kale oo uu go’aan geesinimo ku tilmaamay is casilaadii Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu sheegay in 12 sanno ee uu Guddoomiyaha Wakiilada ahaa inuu horumar balaahan uu gaadhiiyey Golaha, iskuna weyday Xildhibaanada, aadna loo tabi doono, waxaanu sheegay in cid walba oo dhaliilisay, bilaa sabab ku dhaliilaysay.