Somaliland: Maalinta Ay Mucaaradku U Asteeyeen Inuu Dhaco Mudaharaad Ay Qorsheeyeen

0
419

Hargeysa (Geeska) – Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa mar kale Xukuumadda u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan in ay dib u bilaabayaan mudaharaadadii ay ku dalbanayeen in doorashada Madaxtooyada xilligeeda la qabto.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay bilaabayaan mudaharaado ay ugu magacdareen “badbaadada Somaliland”, oo ay kaga soo horjeedaan in doorashada Mqdaxtooyada ee qorshaysan 13 November ay dib u dhacdo.

“Xisbiyada mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay halkan kugu soo gudbinayaan warqaddan oo ay ujeedadeedu tahay dib u bilaabashada bannaanbaxyadii nabadgalyo ee badbaadada Somaliland” ayaa lagu yidhi waraaqda mucaaradku u gudbiyay Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha JSL.

Mucaaradka ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay jawaab u yihiin doonista shacabka Somaliland, oo ay sheegeen in ay rajaynayaan in doorasho qabsoonto iyo in xukuumadda Somaliland lagu soo dabaalo nidaamkii doorashada.

Waxa waraaqdan ogaysiiska ah lagu sheegay in qodobka 32aad ee dastuurka faqraddiisa 2aad ay damaanad qaaday xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin in ay dareenkooda cabiraan.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqadda Ay WADDANI iyo UCID U Gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha

 

Geeska.net/Hargeisa Office