Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Si Culus U Faaqiday Xeerka Booliska, Dhaliilaha Ay Banaanka Soo Dhigeen Iyo Qodobada Lagu Duray Wasaarada Daakhiliga

0
508

 

wakiladaHargeysa(Geeska)-Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa si adag u dhaliilay xeerka ciidanka Booliska oo wakhtigan horyaala golahaas, waxaanay banaanka soo dhigeen khaladaad ku jira oo kala duwan.

 

Fadhigii shalay ee wakiilada, ayaa waxa ay mudanayaashu si adag uga doodeen xeerkaas, waxaanay intooda badani soo jeediyeen in dib loogu celiyo guddiga arrimaha gudaha iyo wasaarada daakhiliga. Mudanayaasha badankoodu waxa ay isku raaceen in xeerkani uu leeyahay dhaliilo badan.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, oo ka mid ahaa mudanayaasha fadhiga shalay ka hadlay ayaa soo jeediyay in xeerka dib loo celiyo. “Guddoomiye mabdi’iyan wax badan ayaa ka khaldan. Ma hayno marka hore siyaasadii amniga qarankaba, waxay ahayd inaynu marka hore hayno siyaasadii amniga qaranka oo uu wasiirka daakhiligu inoo keeno siyaasadii amniga qaranka, maanta nabadgelyada dunida waynu ognahay oo macnayaal badan ayay leedahay, wixii 30 sannadood ka hor la ilaalin jiray maanta khatar badan maaha.” Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ducaale, waxaanu intaas raaciyay “Xeerka wax aan ku saleeyo ma garanayo mar haddii aanan ogayn siyaasdda amniga qaranku waxay tahay. Amnigu wakhtigan xaadirka ah wadan keliya kuma koobna, markaas waa inaynu haynaa siyaasadii amniga qaranka oo qeexan. Qodobka labaad markaan xeerkan eegay wasaaradda daakhiliga iyo booliska sida la isugu cuno duubay.”

Ugu dambayn waxa uu xildhibaan Ducaale, hadalkiisa ku soo gunaanaday, “Waxaan ku talinayaa in xeerkaas dib loogu noqdo, golahana dib looga celiyo oo guddigii arrimaha gudaha iyo taliska boolisku isla soo jilciyaan.”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo isna ka hadlay fadhigaas, ayaa soo jeediyay “Waxay nala tahay in dib loogu celiyo guddigii iyo wasaaradda oo xeer aynu umadda ku dhiqi karno in la inoo keeno kaas ayaan soo jeedinayaa, waxaanan leeyahay hala inaga celiyo.” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.

Xildhibaan Maxamed Jaamac, ayaa isna ka hadlay mudanayaasha sida dheer u faaqiday xeerkan.  “Marka hore waxaan meelo badan ka waafaqayaa soo jeedintii xubnihii iga horeeyay, marka guud ahaan la eego xeerkani uma qalmo hawsha uu u samaysanyahay waxaanu u eegyahay inuu aad u kala daadsanyahay qabyo badana leeyahay, waxyaabo badan oo ay ahayd inuu xeerku ka jawaabana ay ka maqanyihin. Tusaale ahaan madaxbanaanida xubnaha booliska ama talisku marka loo baahdo ay si deg deg ah u hawlgeli karaan oo muhiim u ah shaqada boosliska iyo nabadgelyada, wuu ka maqanyahay, waxaanad ku arkaysaa maqnaanshihiisa qodobikia 12aad.” Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ah sharciyaqaan, waxaanu intaas raaciyay oo uu soo bandhigay qodobo kala duwan oo ka maqan xeerkan oo ay ahayd in lagu daro. Waxase uu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Ma qabo in dib loo celiyo, waxase aan qabaa in guddi loo saaro oo waxa ka dhiman lagu daro.”

Xildhibaan Cabdiqaadjir Jirde, oo isna shalay ka hadlay fadhigaas, ayaa ka hadlay khaladaadka ay ciidamada Boolisku galaan wakhtiga ay rabshaduhu dhacaan, “Wax danbi ah oo ku jiraaba inaanu jirin askarigii  isaga laga dul qaaday, oo magdhawgii  iyo waxa uu gaysto dawlada la saaray, isagana wax ciqaab ah oo ku qoran aanay jirin, ayaantii dhawayd oo qudha maaha ee dhawr jeer oo hore oo ay booliska iyo shacbigu iska horyimaadeen wax baadhitaan ah oo ka daba  tagay may jirin, askarigaas xabada riday miyay ku haboonayd inuu xabadaas qofka ku jirdo, ma sare ayuu uga qaadi karaayay, miyuu ku hadidi karayay, miyuu shiishay, ma toosbuu u toogtay miyay ka qaraxday cid danbe oo is weydiisay may jirn. Waa xoriyad dhamaystiran askariga markaas la soo daayo  ee qoriga loo dhiibo waa bina’aadam haddii aan lala socon oo aan awaamiir la soo siin, oo aanay dhaqan u noqon waxaas iyo waxaas markay kaa hor yimaadan waxaas samee, waxaas iyo waxaasu markay soo kordhaana intaas ku dar waxa uu samaynaayo waa lagu dhaadhacayaa.”

Cabdiqaadir Jirde, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi  “ Maynaan arki jirn dhaawaca iyo dhimashada intaas leeg, waxa ugu darnaa dhagax tuurkii 1982 khasaaraha ka dhacay  waxa ku laban laabmaya kii ka dhacay xaafada  Axmed Dhagax oo kaliyaata, maxaa keenaya waa in aynu is waydiinaa, haddii ay qawaaniintu qabyo tahay waa in la qabyo tiraa, haddii tabobarku ka dhiman yahay tabobarka loo kordhiyaa,haddii la heli karo rasaastan dhabta ah ee ay ridayaan loogu badalaa tii rabadhka ahayd. Anigu waxaan is raaciyaa bahda booliska, waayo qoys bilays ah ayaan ka soo jeedaa  waan ku ag koray oo ixtiraam ayaan u hayaa, hawshay hayaan ayaan ogahay, haddana waxaas oo dhibaato ah ayaa jiree waa in falawgeed la qabtaa sidii wax looga qaban lahaa, aniga oo aan canbaaraynyn oo ixtiraam u haya booliska, ilmaadeerayaalow  nacayb boolis naga hadlin maayo aynu hagaajino.”

Ugu dambayn wuxuu ka hadlay isku Milan uu sheegay inuu ka dhex muuqdo Wasiirka daakhiliga iyo taliyaha Booliska, waxaanu yidhi  “ Imika waxaad moodaa  wasiirka iyo taliyahu inay sinta iskaga yaaliin  afar iyo labaatanka saacadood  waa uu agtaagan yahay, maxaa ag dhigay, waar yaadhahaheen ninka ninka aynu ka xorayno Alle ayaan idinku dhaariyee, ina Saqadhi hore ayuu isaga xoreeyee bal kuwa kale uun aynu ka xogayno.” 

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay xildhibaano kale. Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa la filayaa inay maanta go’aan ka gaadhaan xeerkan, waxase ay shalay doodoodu u badnayd in dib loo celiyo.