Madaxweynaha Oo Xadhiga Ka Jaray Wershad Casri Ah Oo Uu Leeyahay Ganacsade Wadaniyi

0
444

 

warshHargaysa( Geeska )-Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo,ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray wershada AADCO oo soo saari doonta buugaagta iyo waraaqaha oo markii ugu horaysay dalka laga hirgaliyay.

 

Warshadan ayaa wajigeeda koowaad soo saari doonta buugta ay ardaydu wax ku bartaan, waxaana mulkiilaha warshadan Xaaji Aadan Axmed Diiriye ( Baradho ) uu daboolka ka qaaday inay dhawaan soo saari doonaan waraaqaha xafiisyada lagu isticmaalo ugu danbayntana ay ku talo jiraan inay warshadan ku soo kordhiyaan qayb dib u warshadaysa waraaqaha tirada badan ee suuqyada ka buuxa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa soo dhaweeyay warshadan kuna tilmaamay mid dadka iyo dalku ay baahi weyn u qabaan, waxaanu sida oo kale madaxweynuu sheegay inay dhiirigalin buuxda  u samayn doonaan warshadaha yar yar ee noocan ah ee dadka waxtarka ku soo kordhinaaya.

Xaflada loo qabtay furitaanka warshadan AADCO ee soo saari doonta buugta iyo waraaqaha waxa kale oo ka qayb galay wasiiro raxan ah, madaxda xisbiyada KULMIYE iyo Wadani, salaadiin iyo marti kale.

Ugu horayntii furitaanka xafladan xadhiga lagaga jaraayay warshada AADCO waxa ka hadlay gudoomiyaha warshadaas Xaaji Aadan Axmed Diiriye waxaanu ugu horayntii isaga oo faah faahin ka baxinaaya warshadaas uu yidhi “ Mashruucan aynu furayno waxa ay hawshiisu soo taxnayd ilaa 2009-kii,marka laysku daro daraasadii, doondoonkii,keenidii iyo dhisidiiba, dabcana hadii la yidhaahdo wakhtigu waa uu badan yahay sababteeda ayay leedahay oo waxaynu dhex jooganaa dal burburay oo aanay waxba dhex oolin.”

Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ka hadlaaya talaabooyinka xukuumadu ay tahay inay ku dhiiri galiso warshadaha yar yar waxa uu yidhi “ Xukuumada waxa looga baan yahay in ay ilaalin ku samayso warshadaha dalka,  maaha tan oo kaliyaata waayo haddii aan warshadii dalka xukuumadu dhinaceeda ka ilaalin oo waxii dalka gudahiisa laga soo saarayay dibada laga keenayo waa dhib, ma’lihin hala joojiyo oo hantiwadaag ma nahin, laakiin in cashuurta lagu kordhiyo  ayaa xukuumada looga baahan yahay si loo dhiiri galiyo waxii dalka gudahiisa ka soo baxaayay.”

Ugu danbayntiina waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanay gudoomiyaha warshadan AADCO talaabooyinka ay qaadayaan si warshadan cusubi ay u noqoto mid dalka hanata   “ Ku talagalka mashruucan waa in uu waxii baahi waraaqeed ah ee dalku uu u baahan yahay uu daboolo, taas markaas si loo helo ku talogalka mashruucan dhawr waji ayaan u qaybinay oo kan koowaad ee aynu maanta furaynaa waa kii samaynaayay buugaagtii dugsiyada ay ardaydu ku dhiganayeen, wajiga labaad waxa uu isaguna noqonayaa waraaqii xafiisyada lagaga shaqaynaayay, wajiga sadexaadana waxa noogu qorshaysan in aan warqadii halkan ku samayno  oo aynu ka maarano in alaabtii ceedhnayd ee waraaqahaa laga samaynaayay iyo inay ingaa caawiso xaga ururinta khashinka, markaas karaatoontan tirada badan ee suuqa buuxiyay ayaynu dib waraaqo ugu dhigaynaa.”

Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isaguna xafladaas hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi  “  Runtii kalmad qudha ayaan odhanayaa oo waxaan hanbalyaynayaa mulkiilaha warshada, sida halkanba laga sheegay ganacsatadeenu wax qudhaata ayay ka ganacsan jireen laakiin in ganacsiga la kala badbadalo waa fikrad fiican, warshadahan yar yar dalka ayaa u baahan oo waxaynu u baahanahay wax soo saarkooda  iyo shaqo abuurkooda, markaas waanu soo dhawaynaynaa waanan u ducaynaynaa warshadan inay barakawdo, waanan hanbalyaynayaa Xaaji Aadan.”

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo xafladaas ka hadlay waxa hadaladiisa ka mid ahaa “ Waxaan aad u hanbalyaynayaa warshadan cidii ku fikirtay ku da’daashay ee hawlgalisay aad iyo aad ayaan ugu hanbalyaynayaa gaar ahaan Xaaji Aadan, waana mid uu dalku u baahnaa, waxa la yidhaahdaa ninka alle xoolo la damco dadkiisa ayuu siiyaa, haddaynu Somaliland nahay xaalad kasta oo adag aynu ku jirno oo dhib kasta aynu qabno, laakiin markaad sidaas u eegto mustaqbalka  aad iyo aad ayay rajo kuu galaysaa, dawladda waxa dhisaa waa dadka oo dhaqaale ayay ku dhisantaa dawlad kasta oo la jamanaayo dawladahaas carbeed ee shidaalka helay mooyaane maskaxdooda dad alle hibo u siiyay inay dhaqaale abuuraan ayaa wax u abuuray, waxaana rajo ku galinaaya dadkeena sida uu alle u siiyay awooda dhaqaale abuurka, bal u fiirso inta labaatankii sanadood maskaxdooda ay ka soo burqadeen shiradaha waawayn ee jiraa, waan hanbalyaynayaa ganacsatada Somaliland.”

Waxa isna ka hadlay wasiirka ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif, oo soo dhaweeyay wershadan cusub oo ka mid noqon doonta wershadaha dalka laga hirgeliyay, waxaanu hadalka ku soo dhaweeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo isna xafladas soo xidhay, isagoo  soo dhaweeyay warshadaas, waxaanu ka hadlay muhiimada ay leedahay dhiirigalinta warshadaha yar yar ee dalku “Waxa farxad aad iyo aad u weyn ii ah  inaan  ka soo qayb galo xafladan furitaanka warshada tan aynu halkan u fadhino, waxaan hanbalyo aad iyo aad ah u soo jeedinayaa mulkiilaha warshada Xaaji Aadan, dalkeenu waa dal wali ku jira dariiqii horumarka, waa dal u baahan horumar inuu sameeyo oo u baahan warshadayn, oo dhan kasta oo hormarka ah u baahan inuu ka qaado talaabooyin cad cad, taasna dadka maalqabeenka ah iyo kuwa hal abuurka ah ayaa dadka horkaca oo horumarka la yimaada, kuwaasina dhiirigalin ayay u baahan yahiin in waxii loo qaban karo loo qabto, in loo mahad naqo ayay u baahan yahiin, waxaanu leenahay anagu haddaanu nahay dawlada mar walba waxaanu diyaar u nahay waxii horumarin ah ee dhiirigalin ah ee wax u qabsho ah inay la qabto, dadku isagaa dalkiisa horumariya,  warshada aynu halkan u fadhinaana waa mid dalka iyo dadkuba ay u baahnaayeen oo aan hanbalyo u soo jeedinaayo mulkiilaha iyo intii kale ee ka hawl gashayba, anaguna waxii waajibaad naga saaran waanu ka gudan doonaa.”