“Wadamadu Waxay Bixiyaan Taageero, Aniguna Waxaan Go’aansaday Taageerida Guulaha Somaliland & Edna Hospital

1
3966

 

Picture5Hargeysa (Geeska)- Akhristayaal cadadkayagii shalay waxaanu idiinku soo gudbinay Mr. Christopher Stanfiled oo Jimcihii caasimadda Hargeysa ku soo gaadhay socod lug ah oo dhamaa Afar kun oo kilo mitir oo uu u soo lugeeyay si uu u taageero cisbitaalka Edna Aden, maatana waxaanu idiin soo gudbinaynaa waraysigii uu Geeska Afrikala yeeshay.

 

Christopher Stanfield wuxuu xaqiijiyey in ujeedada socdaalkiisa Edna Hospital & Somaliland ahaa siday aqoon ugu yeelan lahaayeen bulshada aduunka xaqiiqooyinka iyo si waddamo kaloo dhibaatooyin ku jira ama ay soo maraan ugu deydaan waddada ay kaga baxeen.

 Ninkan oo Dabaakh ka ah magaalada Leeds, ee Ingiriiska, isla markaana socdaal lug ah ugu soo maray 4 kun km taageerida Cusbitaalka Edna ayaa sheegay inuu si weyn ugu khushuucay waxqabadka iyo horumarka ka muuqda Somaliland, iyo sida shacabku u aamnisan yihiin dalkooda, taasoo ii xaqiijisay ayuu yidhi  ku saxnaanta go’aankaygii imaatinkiisa

Waraysi Maxamud Walaaleye, oo Geeska Afrikaka tirsan kula yeeshay Cusbitaalka Edna, Stanford, ayaa wuxuu u dhacay sidan:

Warbixin kooban nooga sheeg sida socdaalkani ugu soo gaadhay Cusbitaalka Edna, iyo halkaad ka soo bilowday?

Hagaag, socdaalkaygu waxuu ka soo bilaabmay magaalada Qaahira, dalka Masar, 9thSeptember, 2012, waxaanan ku bilaabay awr rakuub ah, anniga iyo nin aanu saaxiib ahayn, una dhashay Maraykanka, oo David Adams, la yidhaahdo. Waxaanan labadayadu socdaal ka soo bilaabmay Qaahira oo dusha sare ah ku soo gaadhnay ilaa gobolka ugu hooseeya ee Aswaan, waxaanu nagu qaatay ilaa shan usbuuc, annagoo maalin walba lugeyn jirnay ilaa soddon saacadood. Rakuubkii alaabta noo siday iyo saaxiibkaygii Maraykanka labadiiba waa loo diiday inay xadka Sudan u talaabaan, marka waxaan ku khasbanaaday inaan keli ku noqdo socdaalkii, halkaa oo niman aan Masar isku baranay ii sameeyeen Kaaryoone aan jiidayey oo alaabtayda ku rarto. Waxaan socdaalkaygii u sii watay laga bilaabo Harrada Xafa ilaa Khartuum, iyo saxarahii oo xilligaa aan maalin walba lugeyn jiray masaafo gaadhaysa afartan ilaa konton km, waxaanan gaadhay xadka Itoobiya. Markaan gaadhay Itoobiya waxaan uga sii gudbay ilaa gobolka Gondar, oo dhaafay buurahii, ka dib waxaan soo gaadhay gobolka Waldere, oo aan koray dhul joogiisu ka sareeyo badda ilaa 14,000ft, aakhirkii waxaan soo gaadhay xadka Jabuuti. Waxaan maalintii ugu horeysay socodkayga Jabuuti gooyey ilaa 45km, ka dib waan yara nastay, ka dib waxaa I qabtay ciidamada Amaanka Jabuuti oo garan waayey sababta aan u soo galay dalka, laba maalmood ka dib, waxaa ii suurtoobay inaan ka soo baxo Jabuuti, oo qorshahaygu ahaa inaan socod ku soo maro dhulkaa, balse, nasiib daro, wado aan raaco la’aanteed, waxaan ku khasbanaaday inaan gaadhi ka soo qaato, oo masaafo u jirta Hargeysa 15km, kaga degay, ka dibna socodkii aakhirkii waxaan ku soo gebagebeeyey halkan (Cusbitaalka Edna) aad igu wareysanayso.

Yaa kaa caawiyey kharashka ku soo baxay socdaalkaaga, maxuu ahaa fikirka ka dambeeyey socdaalkaaga Cusbitaalka Edna ?

Waxaan  deeq isugu jirta dhar iyo teendho ka helay dhowr shirkadood dhiirgelin ahaan, balse kharashka kale dhamaantii annigaa lahaa. Waxaan aqaanay cusbitaalka Edna muddo ilaa laba sannadood gaadhaysa, markaa, markii aan qorshaystay socdaalkayga waxuu ahaa ilaa todoba bilood hortood. Ka hor socdaalkayga waxaan ka sameeyey dalka Spain qaadhaan-uruurin lagu taageerayo dadkuna ku baranayaan hadafka Edna iyo waxa Cusbitaalkeedu u qabto bulshada Somaliland, markaan dhameeyey hawshaa, waxaan is dareensiiyey inaan qaban karo hawl inta ka balaadhan, in badan oo bulshada caalamka ku noolna ku baraarugi karaan. Waxaan ku fikiray hadaan socdaal socod ah ku tago Cusbitaalka Edna iyo Somaliland, dad badan ayaa aqoon u yeelan doona, ogaana doona inaan hawshaa sameeyey, iyo hawlaha muhiimka ah ee loogu qabto haweenka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, sababta darteedna u huri doona taageero dhaqaale ama waxii kale ay awoodaan si hawlaha Cusbitaalku u sii horumaraan, siina balaadhaan. Waana sababta aan u go’aansaday inaan kharashka socdaalkan u dabaro. Waxa kaloo hadafkaygu ahaa in dadku ogaadaan siday macquul ugu tahay qof kasta inuu sameeyo arrin marka hore ugu muuqda wax aan dhici Karin, laakiin, haduu la yimaado go’aan adag iyo niyad uu samayn karo,sida dhismaha Cusbitaalkan.

Masaafo intee gaadhaysa ayaad filaysaa inaad ku soo martay socdaalkaaga socodka ah, maxuu ahaa fikirkii aad ka haysatay Somaliland, imaatinkaaga ka hor?

Waxaan filayaa inaan ku soo maray masaafo gaadhaysa ilaa 4,000km. Aqoontaan u laha Somaliland, iyo waxaan ka bartay waxuu ahaa mid igu riixay jeclaysiga imaanshaheeda, marka waxay qabsadeen loo eego. Run ahaan, muddo kooban ayey Somaliland ku awooday inay dhul hoose ka soo bilaabaan, dunni dagaalo iyo burbur la gaadhsiiyey, ilaa heerka ay maanta marayaan ee dhismaheeda, koritaanka dhaqaalahooda oo sannad-ba ka xiga sare uga sii marayso, kuna gaadhay isku tashi ummada Somaliland iyo iskaashigooda, balse aan wax dhaqaale uga baahan dunnida kale. Waxaan dareemay inay waajib weyn tahay hambalyeynta guusha uu dalkani Somaliland gaadhay. Wadamadda horumaray waxay taageero siiyaan kuwa mushkilado gala, sidoo kale anniguna waxaan go’aansaday inaan taageero guulaha Somaliland iyo Edna Hospital, si waddamo kaloo dhibaatooyin ku jira ama ay soo maraan ugu deydaan ama tusaale u noqoto waddada reer Somaliland u mareen dhismaha dalkooda. Markaan soo gaadhay halkan (Somaliland) si weyn ayaan ugu khushuucay waxqabadka iyo horumarka ka muuqda, iyo sida shacabku u aamnisan yihiin dalkooda, taasoo I xaqiijisay ku saxnaanta go’aankaygii imaatinkiisa.

Dhalasho ahaan dalkaad u dhalatay, dhinaca kale, siduu noqday dareenka qoyskiina iyo asxaabtaada markii ay maqleen qorshahaaga socdaal aad ku tagtid Somaliland iyo Cusbitaalka Edna?

Waxaan ku dhashay dalka Ingiriiska, oo aan magaalada Leeds, uga shaqeysto xirfada dabaakh hudheel ku yaal. Markii ugu horeysay een qoyskayga la socodsiiyo qorshaha socdaalkayga, waxaan u baahday in badan inaan u sharxo, waanay ka xumaadeen, balse intaanan u sheegin wargeys ka soo baxa Leeds, oo la yidhaahdo  Iiwey Gazzette, oo daabacay sheekada socdaalkayga ayey ka ogaadeen, markaan u sheegayna si weyn ayey uga cadhoodeen. Balse, bilowgii si weyn ayey noloshayda ugu baqeen, iyaga iyo saaxiibaday, sababtoo ah aqoon daro ka haysatay Somaliland, una hayteen in Somaliland iyo Soomaaliya isku mid yihiin, wax farqi ahna u dhexeyn, taasina, waxay kow ka ahayd hadafkayga in dadku aqoon u yeeshaan Somaliland iyo siday u kala duwan yihiin Somaaliya, ka dib markaan u sharxay qorshahayga waxay bilaabeen inay ka soo debcaan werwerkii hayey, isla markaana bilaabeen inay fahmaan sida Somaliland tahay, markaa, afar bilood horteed markaan ka soo tegay cabsi ayaa heysay, bale waxay bilaabeen inay taageeraan qorshaha aan watay, oo ay dareemeen muhiimada uu leeyahay.

Maxaad filaysaa inuu dareenkoodu ahaan doono Qoyskiina, markay ka ogaadaan wareysigan Geeska Afrika kula yeeshay inaan nabadgelyo ku dhamaysatay socdaalkaagii?

Si weyn ayey ugu diirsadeen markii ay ogaadeen inaan nabadgelyo ku dhamaystay socdaalkaygii, oo halkan (Cusbitaalka Edna) ayaan caawa (xalay) kala hadlay reerkayagii, taasoo muhiim ii ah, maadama, aan gaadhsiiyey qoyskayaga kaalin ay ku faanaan kartidayda, iyo sida aan u go’aansaday taageerida dadka, inkastoo aanan intaa ku joojinayn wax-u-qabadka dadka, haddana, immika socdaalkaa waan dhamaystiray, waxaanan si weyn u filayaa inay sugayaan la midowgooda dhowaan.

Ugu dambayn, wa amaxay fariinta aad u dirayso shacabka dalkaaga iyo guud ahaan bulshada Somaliland?

Tallada aan u jeedinayo qof walba waa, hadii caqabad kaala soo gudboonaato nolosha ama naftaada, waa inaad jeexataa dariiqii aad kaga bixi lahayd, ogow dariiqaasi badanaa ma ahaado miday qodxaantu oolin, marar waa daal, marar waa culays agabka aad ku maraysid waddadaa, balse, sidaan u haystay markaan socdaalkaygan qorshaysanayey ee ahaa inay tahay waajib keligay I saran ku guulaysiga hadafkaa, oo keli u fuliyo, hadii kale aan guuldaraysanayo, ayaa dhab ahaan xilliyo kala duwan aan gargaar ka helay dad kale, taasoo ii xaqiijisay in fariintii aan doonayey gudbinteeda bilowgii wax kooban ka noqotay baaxadii hadafkayga, ee ahaa in qof keliya wax walba qaban karo, taasi way beenowday. Fariintaydu waa kow, waynu gaadhi karna wax badan, balse, markaan arkay taageerida dhinacyada kala duwan hadday tahay qoyskayga, dadkii wadammada aan soo maray ilaa Somaliland waxaan ogaaday in wadajir wax lagu gaadhi karo. Markaad keligaa u dhaqaaqdid ujeedo ha moodin inaanad taageero heleyn, ha noqoto gaadhi ku yara dhoweeya, qof ku siiya quraarad biyo ah, taasoo aan noqonayn gaadhitaanka dhamaadkii hiigsigaaga, balse wado aad u sii qaadaysid caqabad kastoo kaa horyimaadaba. Dhamaad.   

Dhinaca kale, marwo, Edna Adan Ismaaciil, oo wareysiga ka dib, ka waramaysay sida dareenkeedu yahay ama u aragto geesinimada ninka dhalinyarada ah oo isagoo aanay weligii hore u kulmin, lana socon qorshahiisa, ugu badheedhay socdaal intaa masaafadeedu gaadhayso oo halisahiisa lahaa, ku yimi Cusbitaalka, taasoo ujeedadiisuna keliya ahayd taageerida ama dhiirigelinta wax-qabadkayaga, ayaa hadalkeedii waxa ka mid ahaa, “Annigoo ah, Edna A. Ismaaciil, dhab ahaan, waxa I taabatay xaqiiqada, qof aanan aqoon u lahayn, wax kulan ahna hore u yeelan, oo wax aqoona isu lahayn qoyskooda, uu sameeyo doonis iyo naf-hurid weyn arrin culayskeeda lehna socdaal lugeyna ku soo gaadho Cusbitaalka masaafo aan la qiyaasi Karin, isagoo hadafkiisu yahay taageerida Cusbitaalkan iyo dalkayga Somaliland, runtii wuxuu taabtay dareenkayga. Waxaan u arkaa inuu yahay arrin geesi gaadhay, inuu naftiisa ugu soo badheedho socdaal halisahiisa watay, oo wax faa’iido ama dheef u lahayn naftiisa, balse, keliya ku fulinayey hadaf uu naftiisa qorshaystay. Wanaag weyn ayaa u rajaynayaa, maadama uu yahay nin dhalinyaro ah geesi ah, waxa kastoo lahu helo taageeradiisana, yaraan iyo badnaan, anniga shaqsi ahaan aragtidiisu waxay ii tahay hadyad qiimo leh. Dheef kastoo ku iman doonta hadafkiisa ilaahay keliyaa ogsoon, laakinn, annigu waxaan wakhtigan aan ku diirsanayaa aragtida shaqsi hadafkiisu ahaa taageerida Cusbitaalkan, shacabkayga iyo dalkayga. Markaa waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo isaga iyo qoyskoodaba, sid ay nooga fikireen, ee halgankiisii uga dhabeeyey hadaan nahay Somaliland. 

Comments are closed.