Xildhibaan Xukuumada Ku Bogaadiyay Soo Afjarida Jabhada Caare

0
591

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa u mahadnaqay Beesha uu ka soo jeedo Caare, oo uu sheegay inay dadaal dheeraad ah ka gashay in heshiis la gaadho, waxaanu tilmaamay inuu Madaxweynuhu sameeyey talaabo wanaagsan.

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Arinka ka dhacay Karin Ceerigaabo, waa arin aad u hambalyeynayo, oo aan soo dhaweeynayo, runtiina Beelweynta uu caare ka soo jeedo  dadaalka ay sameeysay waana ku bogaadinayaa, waxaana leeyahay hambalyo madaama aad arin fiican oo islaax ah aad ka shaqeeyseen, Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne gobonimo ayaad sameeysay, ee hawsha inta dhimana  waxaan ku rajo weynahay inaad dhammaynayso”.

Mar uu ka hadlaayey Nabadgalyada ayaa wuxuu yidhi “Nabadu waa qaali, ninkii ka shaqeeya nabada, waa nin danta Somaliland ka shaqeeyey, waa nin horumarka Somaliland ka shaqeeyey, waa nin midnimada Somaliland ka shaqeeyey, ninka wax kale ka shaqeeya oo nabada ka soo horjeedana waa nin aan danta Somaliland wadin, markaas Beesha Caare ee dadaalka dheeraadka muujisay aad baan u bogaadinayaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here