Dawladda Ingiriiska oo soo dhawaysay heshiiska xukuumadda iyo jabhadd caare

0
610

 

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa soo dhawaysay heshiiska nabadeed ee  dhex maray xukuumadda Somaliland iyo jabhadda COL. Caare.

Ergayga Ingiriiska u qaabilsan Somaliland danjire Stuart Brown, ayaa bartiisa twitterka wuxuu ku qoray farriin uu ku bogaadiyay heshiiskaas, waxaanu yidhi “Waa war wanaagsan oo bilow wanaagsan u ah sannadka 2020. Waa Tusaale dheeraad u ah sida ay Somaliland ugu guulaysan karto inay caqabadaha kaga gudubto dhexdhexaadin. Amniga iyo degenaanshahaayaa muhiim u ah gudbinta ugu haboon ee kaalmada iyo horumarinta gobalka Sanaag. Hamablyo dhammaan inta ka qayb gashay.”

Caare ayaa wareejiyay jabhad uu tiradeeda ku sheegay 900 oo askari oo uu ugu magac daray jabhadda Dulmi  diid, waxaana shalay jabhadii la wareegtay maamulka gobalka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here