Xildhibaan Wakiilada Ka Tirsan Oo Sheegay Inay Dacwad Ka Dhan Ah Guurtida U Gudbinayaan Maxkamada Sare

0
486

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah xidhibaanada golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah golaha Guurtida  ay u gudbin doonaan Maxkamada, isaga oo sheegay in golaha Guurtidu sharciga jabiyeen,muddo kordhin bilaa cudur daar ah oo aan raali laga wada ahayna xukuumadda u kordhiyeen, waxaanu Komishanka doorashooyinka ugu baaqay inay iyana dacwadan la soo galaan, madaama  hawlahoodii ay ku soo faragashadeen Guurtidu.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey sidoo kale isbarbar ku sameeyey muddo kordhintii ay Guurtidu u sameeysay xukuumaddii Daahir Rayaale iyo xukuumaddan uu Axmed Siillaanyo madaxweynaha ka yahay, waxaanu xusay in guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan Cabdi Aadan uu aad uga dagaalamay muddo kordhintii Daahir Rayaale, isla markaana uu keenay 35-Xildhibaan, dirqina lagaga guulaystay.

Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa sidoo kale ka hadlay mooshinkii ka dhankaa ahaa Maayarada dalka ee dhawaan Xildhibaanada Golaha Wakiiladu codka u qaaday, isla markaana laalay, waxaanu xusay in wax aad loola yaabo tahay in qaar ka mid ah xildhibaanadii diiday Moosihnkani inay ka mid ahayeen kuwii Mooshinkan soo gudbiyey, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan.“Deegaano badan oo ka tirsan Somaliland ayey Nabadgeliyo daro ka jirtaa, waxa ka mid ah xaalada colaadeed ee ka taagan Taleex, waxa maqan Suldaan Wabar, hawlahaas iyo hawlo kaleba waa hawlihii iyo shaqadii Guurtida, inta ay Shaqadoodii garan waayeen ayaa ay Dastuurkii baal mareen, oo muddo kordhin aan loo dirsan Xukuumadda u kordhiyeen, sida ku cad Dastuurkeena muddo kordhin waxa la sameeyn kara oo Xukuumadda muddo xilkeedkeeda loo kordhin karaa marka ay dhacaan Abaaro,Dagaalo, Dufaano,Nabadgeliyo daro,  Doorashada oo la isku khilaafo iyo wixii la mid ah, intaas midna may dhicin, si cad ayey uga hor yimaadeen wixii lagu heshiiyey ee Komishanka, Saddexda xisbi qaran, Dawladda iyo beesha caalamku ku heshiisay, si cad ayey u yidhaahdeen waanu laalnay go’aankaas oo xukuumadda sannad iyo toban bilood ayaanu u kordhinay, madaama ay sidaas tahay oo ay si cad Sharci u jabiyeen, waxa aanu go’aan ku gaadhnay haddii aanu nahay Axsaabta mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Waddani  in aanu dacwad ka dhan ah Maxkamada sare u gudbino, waxaana Maxkamada ka codsanaynaa in aanay dhinac ka rarnaan ee si caadaaladi ku jirto Dacwada u qaado”. Ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale. Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar uu la hadlaayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Injineerku marka uu Guriga dhisayo, waxa uu qiimeeya marka hore, qaabka uu guriga u dhisayo, wakhtiga uu dhismaha gurigu ku qaadanayo, iyo wixii kharash ah ee ku baxaya, cid kalena ma soo farasho gashato, waxa sidaas ka dhigan Komishanka, oo sida ay wax u wadaan wey sheegeen, wakhtiga ay Doorashada ku qabanayaan wey shaaciyeen, hawshoodii waxa si cad meesha uga saaray Guurtida, ee waxaan Komishanka ugu baaqaya inay Dacwadan nala soo galaan, oo xuquuqdooda shaqo ee lagu soo doontay u doodaan, haddii kale xilka iska wada casilaan”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar uu isbarbar dhig ku sameeyey muddo kordhintii loo sameeyey Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xukuumaddan ayaa yidhi “Guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan aad iyo aad ayuu uga dagaalamay muddo kordhintii Daahir Rayaale loo sameeyey, oo raali kamuu ahayn, oo waxa uu dagaalkii uu muddo kordhintaas ka galay uu ku keenay 35-Xildhibaan, oo diidanaa muddo kordhinta, halka XIldhibaanadii kale ee muddo kordhinta ogalaa ay ka noqdeen 42-Xildhibaan dirqi ayaanu wakhtigaas lagaga guulaystay, imikana sida uu wax u galay iyo sida uu u hadlay iyo sidoo kale sida uu raalida ugu noqday muddo kordhinta ee uu ugu doodaayey waxa qarsoon may ahayn, ee in cadaalada la ilaaliyo ayey ahayd”.  Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa  mar uu ka hadlaayey Mooshin ka dhan ah Maayarada dalka oo dhawaan Wakiiladu cod ku qaadaceen ayaa  yidhi “In mar walba xilka la noo igmaday ee aanu Bulshada u ahayno si daacadnimo ku jirto ugu shaqayno weeye, waxa se wax aad loola yaabo ah in Mooshin xakamaynaya Maayarada oo waddada wanaagsan u tilmaamaya, oo waajibkooda shaqo tusaya, oo inta badan XIldhibaanada Wakiiladu soo gudbiyeen, ayaa  markii codka loo qaadayey Mooshinkii, ayaa Xildhibaano badan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii markii hore Mooshinka soo gudbiyey ay diideen in Mooshinkan la ansixiyo, waa waxa laga xishoodo, waana wax aad loola yaabo in Muddanayaal badan oo ka tirsan Golaha Wakiiladu ay axdigii ay hore u galeen ay ka baxaan, oo wax aan sharaftooda meel kaga dhacaya ay ku kacaan, waxaanu se balanqaadaynaa in aanu dib u soo celin doono Mooshinkan oo ilaa inta laga ansixinayo anaan ka hadhaynin”.