Bangi Caalamiya Oo Leh Nidaamka Kaadhka Lacagta Lagula Baxo Oo Soomaaliya Laga Furay

0
575

Picture2Muqdisho (Geeska)- Bangi u shaqaynaya nidaam caalamiya oo markii ugu horreysay Soomaaliya ka hirgeliyey nidaamka Kaadhka MasterCard loo yaqaanno lacagaha lagula baxo ayaa khamiistii toddobaadkii ina dhaafay laga furay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta bangigan oo ah fooq lix dabaq ka kooban ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xadhiga kaga jaray Bangigan oo loo bixiyey Premier Bank.

Agaasimaha bangigan Mahad Axmed oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in bangigiisu uu bixinayo adeegyo maaliyadeed oo kala duwan oo ku saleysan in shareecada islaamaka isla markaana uu macmiilku adeegyadaas kala duwan hal mar meel keliya ka wada helo.

Bangiga oo ku shaqaynaya nidaamka dhaqaale ee Islaamiga ahi, waxa uu leeyahay qaybta maalgelinta ee ku dhisan shareecada oo ay masuuliyiinta baanku sheegeen in ay u adeegi doonto meherada iyo ganacsiyada heerarkooda kala duwan.Mahad Axmed waxa uu sheegay in bangigani uu xidhiidh wada shaqayneed oo sifo sharciya oo toos ah ku dhisan uu la leeyahay shirkadda Kaadhadhka lacagta lagula baxo ee caalamiga ah leh, taasoo loo yaqaanno MasterCard, taasi waxay ka dhigaysaa Premier Bank  bangi Soomaali leedahay kii ugu horreeyey ee ku shaqeeya habkaas suurtogelinaya in macmiilka xisaab ku leh bangiga ee lacag ugu jirto ama ku shubta lacag kaadhkiisa uu si caadi ah uga isticmaali karo marka uu joogo daafaha adduunka.

Munaasabad uu si gaar ah bangigani ugu soo bandhigay adeegyada uu bixinayo ayaa uu Muqdisho ugu qabtay ganasatada, wakiillo ka socday xawaaladaha, bangiyada, danjirayaal, bahda waxbarashada, ururrada haweenka, dhalinyarada, qurbo-joogtaiyo iyo marti sharaf kale, waxaana adeegyada cusub ee uu madashaas ku soo bandhigay bangiga Premier ka mid ahaa, Maalgelinta oo waafaqsan shareecada Islaamka, Akoonno dumarka u gaar ah oo loo bixiyey Maandeeq Account, qofka oo meel kasta oo uu adduunka ka joogo akoonkiisa ku maamulan kara internet ka (Internet banking), akoonno loogu talagalay Qurbo-joogta oo banigigu soo wado, MasterCard oo isugu jira Debit iyo Prepaid, kaas oo dadka Soomaaliya jooga u suurogelinaya in ay kaadhadhka baanka Premier ku isticmaali karaan daafaha adduunka iyaga oo ATM lacag kala bixi kara, badeeco kaga iibsan kara Point of sale ama Internet-ka wax kaga iibsan kara, halka Soomaalida qurbahana uu adeegani u suurogelinayo  in ay kaadhadhkooda MasterCard ee dibedda ay ku adeegsan karaan gudaha Soomaaliya, marka ay yimaaddaan. Ugu dambayntii bangigan oo leh nidaamka caalamiga ah ee lacagaha dunida isku afgartaan ee loo yaqaanno Swift code waxa uu macaamiishiisa u suurtogelinayaa in ay si toos ah dunida oo dhan lacagahooda uga soo diran karaan isla markaana uga heli karaan lacagaha uu baankani diro, wada shaqayntaas banigga Premier la yeelanayo bangiyada caalamiga oo ah tii nooceeda ugu horreysay waxa ay fududaynaysaa caqabadaha xawaalaha Soomaalida dibadda ka haysta xawaaladaha iyo bangiyada hadda shaqeeya oo aan lahayn Swift code kaas.