Xildhibaan Wakiilada Ah Oo Ka Digay Mooshin Maamuus Ka Xayuubin Madaxweyne Oo Siilaanyo Lagu Oogayo Oo Lagu Karkarinayo Golaha Wakiilada

0
668

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, ayaa ka digay mooshin maamuus ka xayuubin ah oo la doonayo in lagu sameeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo uu sheegay in lagu karkarinayo golaha wakiilada.

Xildhibaan Xaamud, oo shalay u waramay qaar ka mid ah warbaahinta, wuxuu eeddo u jeediyay shirguddoonka golaha wakiilada, waxaanu si gaar ah u abaaray labada guddoomiye-xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo uu ku eedeeyay inay la kala safteen xisbiga KULMIYE. Xildhibaanku wuxuu sheegay in shirguddoonka iyo xildhibaano kale abaabulayaan mooshinkaas maamuus ka xayuubin madaxweyne ah taas oo haddii la curiyo halis ku ah sumcada Madaxweyne Siilaanyo.

Isagoo xildhibaanku ka hadlaya mooshinkaas, wuxuu yidhi  “Waxaan maqlayaa oo la sheegayaa mooshin ayaa soo wadaan aad leedihiin maamuus ka xayuubin madaxweynaha ah ayaanu samaynaynaa. Horta maan garan dembiga aad ku keenaysaan meesha, waxa la wad-wadaa KULMIYE ayuu u kala eexday, hadduu u kala eexday wadankii miyuu khiyaameeyay, Xamar waan idin garaynayaa miyuu inagu yidhi. waxa la wareerjiyay haamihii ; waa xisaab u taala maamulka, canaanteeda ayay leedahay, soo celi oo ka fiirso ayay leedahay, hadduu samayn waayana dawladda cusub ee timaadaa inay shaqadaas ka qabsato ayay jirtaa,  muddo yar ayaa la kordhiyay, waxaanan ognahay inaanu madaxweynuhu murashax ahayn, markaas yaynaan wadanka fawdo gelinayne. “ xildhibaan Xaamud oo ka mid ah xildhibaanada ugu da’da weyn golaha wakiilada, kana soo jeeda xisbiga UCID ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi   “Mudada yar ee dhammaanaysa ee beri imanaysa ayaanu maamus ka xayuubin u samaynaa, waxaan markaas u arkayaa in dan gaar ah laga leeyahay, haddii ay timaado taasina [maamuus ka xayuubinta] dee waxay noqonaysaa hawl u taala maxkamadda distooriga ah iyo golaha guurtida, qof kastaa  caqligiisu xor ayuu u yahay. Aniga iyo saaxiibo kale oo aan is ognahay, annagu kulmiye  kama tirsanin Waddanina kama tirsanin waxaanu dhawraynaa xurmada baarlamaanku leeyahay.”

Ugu dambayn isagoo u digaya shirguddoonka iyo xildhibaanada wuxuu yidhi  “Taasna [maamuus ka xayuubinta] ha isku dayina inaad ku kacdaan, waxa yaala hawlo badan oo muddo kordhintaas intay tahay baarlamaanku ansixiyo, sida xeerkii golaha lagu maamulayay, kii doorashada iyo kuwo kale ayaa ina horyaala, wakhtiga yaynaan iska luminin oo mushkilad mushkilad ka daba keenin.” Ugu dambayn wuxuu shirguddoonka ugu baaqay inay iska casilaan xilka hoggaaminta golaha wakiilada, isagoo ku eedeeyay inaanay dhex u ahayn xildhibaanada.