Xildhibaan Waabeeye Oo Madaxweyne Biixi Ugu Baaqay In Wada Hadal Lagu Soo Xerogaliyo Kooxda Caare

0
782

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Maxamed ( Waabeeye), ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu wadahadal la furo kooxda Kornayl Caare oo haatan uu sheegay inay ku sugan yihiin gudaha Somaliland, isla markaasna laga dheeraado in iskudhac dhiig uu ku daataa uu dhaco, waxa uu madaxweynaha iyo xukuumada ku dhiiriyay inay  arinta uga hawlgalaan si firfircoon oo hawlkarnimo ay ku dheehantahay.

Xildhibaan Waabeeye ayaa sidan u sheegay tilifishanka Saab oo uu u waramay, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi“ Arinta Caare sarkaalkaas ka tirsnaan jiray ciidanka Somaliland ee hadana dalka jooga, waakii markii hore joogay Puntland imika dalka gudhihiisa ayuu joogaa arintaasna waxaan ku baaqaynaa in si wadahadal ah oo wanaagsan oo caafimaad qabaa loo dhameeyo, waayo dawladihii Somaliland way dhameeyeen jabhado horeba sida tii Khaatumo iyo SSC-ba, oo wadahadal ayay ku dhameeyeen, markaas tana waxaan u baahanay in  wadahadal lagu dhameeyo  iyo waan waan oo aynaan u baahnayan dhiig daata oo dadka walaalaha ah ku kala dhex daata ama sarkaalkaas ciidamada wata ee Caare iyo ciidamada Somaliland. Xukuumaduna sida ay hada tahay si ka taxadir badan oo ka hawlgal badan oo hawlkarnimo ah uu madaxweynuu isaga xilsaaro oo hawshaas mudnaanta inta la siiyo si xoog ah loo galo oo waftiyo la diro oo ay noqoto arin ay dawladu si weyn uga qayb qaadato.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here