Geeska Afrika Oo Helay Xoggo Ku Saabsan Dal Ay Dawladda Soomaaliya Uga Shakisantahay Inuu Qaban Qaabiyay Socdaalkii Madaxweyne Biixi Ee Dalka Guinea

0
1388

Hargeysa(Geeska)-Warar xogogaala oo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa xaqiijinaya in dawladda Soomaaliya ay dal Carbeed uga shakisantahay inuu qayb muhiim ah ka qaatay socdaalkii uu Madaxweyne Biixi bishan ku tagay dalka Guinea iyo soo dhawayntii diiranayd ee halkaas loogu sameeyay isaga iyo weftigiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa toddobaadkan magaalada London ka sheegay in dal aanu magacaabin uu dalka Guinea culays ku saaray qaabiladii Madaxweyne Biixi,  “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka. Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka khaarajiga Soomaaliya oo afkiisa ka ilaaliyay inuu magacaabo dalka ay dawladiisu tuhunsantahay.

Hase yeeshee warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in dawladda Farmaajo tuhunsantahay in dawladda UAE ay socdaalkaas Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea qayb libaax ka qaadatay, waxaana la sheegay in tuhunka dawladda Soomaaliya la xidhiidho maalgashi dhinaca macdanta ah oo ay dawladda UAE ka waddo dalkaas Guinea iyo maalgashiga dhinaca dekedda Berbera ee ay UAE sidoo kale ka waddo Somaliland.

Waxa kale oo warka uu Geeska Afrika helay xaqiijinayaa in dawladda Soomaaliya ay qabto tuhun kale oo ah in socdaalka Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea uu si hoose xidhiidh ula leeyahay wada hadal ay aaminsantahay inuu u socdo Somaliland iyo Ruushka.

Maalmo ka hor wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo magaalada Muqdisho kula kulmay diblomaasi Ruush ah oo uu warku sheegay inuu gaadhsiiyay walaaca uu qabo ee ah in Ruushku indho gaar ah ku eegayo Somaliland.

Marka la eego dhawrka goor ee kala duwan ee ay dawladda Soomaaliya ka hadashay socdaalkii Madaxweyne Biixi uu ku tagay dalka Guinea waxa muuqata inay Muqdisho weli ku jaho-wareersantahay socdaalkaas oo ku noqday filan waa’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here