Xildhibaan Talyanle Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalka Dharkan-geenyo

0
535

Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, gaar ahaana Guddida Joogta ah, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay Deegaanka Dharkeen-geenyo, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa yidhi “In sabab la’aan lagu dilo qof islaam ah, waa dambi kabaari, ILLAAHAYNA uu xaaran timeeyey in dhiig Islaamka la xalaashado, markaas beelahan walaalaha ah waxaan leeyahay shuruud la’aan dagaalka ku joojiya, oo dhibka joojiya, idinka walaal ah, idinka is dhalay, idinka isku abtiya, cidka isku ood ah, cid iska kiin xigta ma jirto, ee joojiya dagaalka, qof walba qaabka uu u dhimanayo iyo halka uu ku dhimaanayo ILLAAHAY baa og, balse ILLAAHAY waxaan idinka baryayaa inuu dagaalka nabad idinku bedelo, bogiinana burcad isku mariyo, ee odayaasha iyo ergooyinka idin dhex galaya maqla oo u dhego nuglaada”.