Danjire Cawil Oo Hadhimo-sharafeed Dad Badan Kulmisay Ku Maamuusay Madaxweyne Rayaale

0
606

Hargeysa(Geeska)-Casuumad heer sare ah oo lagu maamuusayay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa lagu qabtay hotel maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana qadadan sameeyay danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Casuumadan ayaa ahayd mid loogu mahadnaqaayay madaxweynhii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin kaalintii hogaamineed ee uu Somaliland ka soo ciyaaray, waxaanay qadadani kulmisay wajiyo kala raagay, isla markaasna siyaasada ku kala fogaa, wakhtiyada qaarkood.

Masuuliyiinta qadosharaftan ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa guddoomiye Muuse Biixi,guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Wasiirkii arimaha gudaha Xukuumadii Rayaale Cabdilaahi, Maxamed Kaahin Axmed, Maayar Cabdiraxmaan Soltelco iyo masuulyiin tiro badan.

Kulankan oo warbaahinta aan loo ogalaan ayaa ahaa mid si heersare ah loogu sheeko wadaagay, waxaana madaxweyne Daahir Rayaale oo halkaas ka hadlay uu sheegay in wakhtigan loo baahan yahay in saaxada siyaasada ee dalka lagu tartamo iyada oo aan xaragada laga tagayn, isla markaasna laysku haneeyo kuraasta lagu tartamaayo si loo qurxiyo muuqaalka Somaliland.

Cawil Cali Ducaale, oo ah  la taliyaha arimaha wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo aqoonsi raadiska ee madaxweyne Siilaanyo oo wargeyska Geeska Afrika uu wax ka waydiiyay qadadaas kadib ayaa waxa uu yidhi"Casuumadani waa mid aanu u samaynay madaxweynii hore ee Somaliland Daahir Rayaale,waxaanu casuunay guddoomiyayaashii asxaabta iyo martisharaf kale si aanu uga mahadcalino sidii uu dalkan u soo hogaamiyay iyo sida sharafta leh ee uu xilkii u wareejiyay markii doorashadii laga helay, casuumad aad u barakaysan ayay ahayd aadna waa loogu sheekaystay."