Xildhibaan Siciid Iyo Xildhibaan Dable Oo Taageeray Shaqaalaha Dekeda Ee Gadooday

0
593

Hargeysa(Geeska)-Labada  xildhibaanada ee reer Saaxil Siciid Cilmi Rooble iyo Maxamed Xaaji Cilmi (Dable) oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa soo dhaweeyay gadoodka shaqaalaha Berbera ee dekedda, iyagoo sheegay inay taageersanyihiin shaqaalahaas.

Xildhibaan Dable oo ugu horayn shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi  “Inamadaas kacdoonka sameeyay waanu ayidaynaa oo xaqoodii ayaa ka maqan, waxaanan ku ayidaynaa xuquuqdooda maqan in la siiyo oo si cadaalada loo eego, inuu Masrigu aflagaadeeyo ma qaadaynayno.” ayuu yidhi Xildhibaan Dable oo intaas raaciyay “Annagu waxaanu ayidaynaa wax allaala wixii Somaliland nidaam iyo hagaag u soconayo, dekedaas lacagteeda waa la qaadaa, dad baa loogu shubaa, sicir bararka iyadaa ka masuul ah, lacagtii Somaliga ee la qaaday ayaa suuqa la geeyaa oo dollar lagu iibsadaa. qaadkaynu masabidnaa tanaa ka daran maanta.”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa isna yidhi “Waanu ayidsanahay kacdoonkaas iyo gadoodkaas shacbiga reer Berbera, annagoo kaga wakiil ah reer Berbera waanu taageersanahay. In wax la ina cabsiiyay waa taas. madaxtooyadeenii way guurtay Xamar baa la inaga xukumaa, heshiiska dekedda Dubai laftiisana Xamar baa laga saxeexay, qoladeenu waa dilaaliin, madaxdaadu markay iyagoo madaxbanaan ayay iyaguna wax qaataan dadkana wax u reebtaa markayse dilaaliin tahay oo dad kale wixii qaadanayo intii yarayd ee shacab ku lahaa ayay qaadanayaan shacbiga waxba uma reebayaan.”