Cirro Oo Magacaabay Xoghaye-xigeenka Warfaafinta Ee Xisbiga

0
555

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay xoghaye ku xigeenka warfaafinta xisbiga Waddani.

Md. Cirro, ayaa wuxuu toddobaadkan xilkaas u magacaabay Md. Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), oo ah nin dhallinyaro ah oo mihnadda saxaafadda mudo dheer ku soo dhex jiray. Mr. Cirro, wuxuu xoghaye Ilkacase kula dardaarmay inuu ka soo baxo waajibaadkiisa islamarkaana uu dardar geliyo hawlaha xisbiga Waddani.

Mr. Ilkacase, oo u waramay Geeska Afrika, ayaa soo dhaweeyay xilka cusub ee loo magacaabay, waxaanu balan qaaday inuu awoodiisa isugu gayn doono sidii uu xisbiga Waddani u guulaysan lahaa islamarkaana uu u hanan lahaa kalsoonida shacabka.