Siyaasiga Cabdi Haybe Oo Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Deegaano Ka Tirsan Gobalka Hawd

0
603

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa 10 booyadood oo biyo ah oo uu isagu bixiyay gaadhsiiyay deegaano ka tirsan gobalka Hawd.

12784396_183009838735558_1025355056_n

Cabdi Haybe, wuxuu booyadahan biyaha ah shalay gaadhsiiyay deegaanada kala ah Darfacle, Widhwidh, Ina Cunaaye iyo Gumar, waxaanay dadka deegaanku siyaasigan uga mahadceliyeen deeqda uu gaadhsiiyay wakhti ay dadku ku jiraan xaalad adag oo abaareed, waxaanay ugu jawaab celiyeen inay abaalkiisa gudi doonaan maalinta doorashada loo dareero.

Cabdi Haybe oo isna halkaas hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay in qaybinta biyahani ay tahay bilow balse uu deegaano kale gaadhsiin doono biyo kale, isagoo Alle ka baryay inuu roobka u shubo umaddiisa aadka ugu baahan.

Cabdi Haybe, waxa socdaalkiisan uu biyaha ku qaybinayay ku weheliyay Badhasaabkii gobalka Oodweyne ee Hore Jamaal Xuseen Hure oo isna ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Waxa kale oo isna wehelinayay Cabdixakiin Gaaxnuug Gurey oo isna ka tirsan xisbiga Waddani.