Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Quus Ka Muujiyey Mustaqalka Xisbiga Muxaafidka Ah Ee KULMIYE

0
594

Hargeysa (Geeska) – Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee wakhtigoodu dhamaaday isla-markaana ka mid ahaa Xisbul-xaakimka Kulmiye, ayaa ka hadlay guul-darrada Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee dhawaan dalka ka qabsoontay.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u warramay Telefiishanka SAHAN, ayaa sheegay in Maalintii ay doorashadu dhacaysay uu joogay Burco, sidaasi darteedna uu Kulmiye ku sigtay inuu Hal Xildhibaan uga soo bixi waayo bariga Magaalada Burco.

Xildhibaanka oo ugu horrayn ka hadlaya doorashadii wuxuu yidhi “Doorashadii waxay ahayd doorasho Somaliland wax badan u kordhisay, doorasho xalaal ah bay ahayd, doorashadu uu Madaxweynuhu Sharaf badan ku helay bay ahayd iyo Taariikh wanaagsan, Xukuumaddu ku heshay, Komiishanku ku helay, Xisbiyaduna raalli ka ahaayeen..”

Xildhibaanku wuxuu sheegay oo kale “Burco ayaan joogay, Burcana Xarunta guud ee Kulmiye ayay ahayd, arrintaasi aad bay dareen ii gelisay Cajiib ah, Xisbiga waxa bud-dhig u ahaa bariga Burco, laakiin wuxuu Xisbigii ku sigtay in Xildhibaanba ka soo bixi waayo, xabad bariga Burco ahiba inay ka soo bixi waydo ayuu ku sigtay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Anigu Runtaan iska sheegaaye Xisbigaasi Siilaanyo ayuu raacay, Nin xoolihii way is raacaan ma maqli jirtay, way is raaceen.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi oo ah Guddoomiyaha Xisbigaasi uu shaqadii Xisbiga laga qaban lahaa kaga mashquulay Hawlaha Dawladda “Madaxweyne Muuse Biixi Dawladnimada wax buu ka qabtay oo Dawladdii buu ku mashquulay, laakiin Xisbigii Kulmiye dhimaad buu ku dhow yahay, haddaan la dabaqabatayn…”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office