Xildhibaan Saleban Cali Koore Oo Ku Baaqay In Xaglo-toosiye Lagu Garab Istaago Buuhoodle

0
598

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland kana soo jeeda gobolada bari, ayaa sheegay in Somaliland guuli uga soo hoyatay gobolka Buuhoodle kadib markii halkaasi uu gaadhay Wasiir Xaglotoosiye oo lagu soo dhaweeyay.

Xildhibaanka oo shalay Hargeysa ku qabtay Shir jaraa’id ayaa sheegay inay haboon tahay in bulshada Somaliland iyo dawladdu barbar istaagaan dadaalka Xaglotoosiye ku soo jeedinayo indhaha bulshada Buuhoodle.

“Guul baa Buuhoodle ka soo hoyatay. Guushaas waa in dawladda iyo shacbiguba is barbar taagaan, oo taageeraan. In badan baynu naawilaynay in gobolka Buuhoodle soo galo gacanta Somaliland laakiinse, sidaynu TV-yada ka arkaynay waxaa muuqatay inuu gacanta Somaliland soo galay,” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan.

Xildhibaanku waxa uu xukumadda ugu baaqay inay Wasiir Xaglotoosiye ku garab istaagto dadaalka uu ka wado Buuhoodle “ waxaanu u baahan nahay in xukumaddu hiil iyo hooba isla barbar taagto wasiirka tagay Buuhoodle iyo waxa uu k aqabtay. Waxa uu ka qabtay waa wax xasuus mudan, dawladda iyo baarlamaankana waxaan u soo jeedin in la barbar istaago oo guushaa Xaglotoosiye ka soo hooyay Buuhoodle aanay ku dhammaan guul darro, balse ay xukumaddu dhisto gobolka Buuhoodle,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu sidoo kale sheegay inuu taabacsan yahay sidii diwaangalinta looga samayn lahaa gobolada bariga Somaliland, si loogu gogol xaadho doorashadu inay ka dhacdo bariga Somaliland iyo degaannada aanay hore uga dhici jirin.

“Siyaasiyiintayada dalka joogta nin waliba wuxuu qabtay iyo wuxuu qaban karo waa la garanayaa. Qodobka labaad een iftiiminayaa waxa weeye baarlamaanka iyo golaha wakiilada rag badan baa la sheegay inay ka biyo diideen doorashada, anigu waxaan leeyahay doorashada waa in la gala. Kursiga waxaanu fadhinay 10 sannadood, laba sannadoodana waa lagu daray markaa Kuraasta kamaanu bixine waa in aanu doorashada gallo ama dadka u banayno si dhiig cusub iyo dad cusub u yimaadaan oo degaanka metela loo helo,”ayuu yidhi wasiirku.

 

Wasiir Xaglotoosiye oo dhawaan gaadhay magaalada Buuhoodle ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay taas oo muujisay sida bulshada Buuhoodle iyo xidhiidhka xukumadda Somaliland u fiicnaanayo kadib markii hore bulshadaasi kooxda Khaatumo ugu hungowday.